berberatoday.com
Faahfaahin: Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxyo Waaweyn Oo Ka Dhacay Muqdisho
January 3, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Laba Qarax oo waaweyn baa Maanta gelinkii hore lala beegsaday Albaabka laga gelo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Huteelka Peace oo Madaarka ku dhow, isla-markaana ah Huteel ay deggan yihiin Shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika ee Soomaaliya ka shaqeeya.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday Gaadiid walxaha qaraxa laga soo buuxiyey, ayaa kan hore lagu weeraray Kaantarool ay ku sugnaayeen ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee ka howlgala ilaalinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaraxa labaad ayaa lala eegtay Albaabka laga gelo Huteelka Peace oo aad ammaankiisa loo ilaaliyo, maaddaama oo uu hoy u yahay Diblumaasiyiinta Shisheeye iyo Shaqaalaha Qaramada Midoobay, waxaana la sheegay in markaasi ka dib ay halkaasi ka bilaabantay Rasaas badan oo dhinacyo badan ka dhaceysay.

Kooxda Al-shabaab oo Masuuliyadda Weerarkan sheegatay, ayaa ku faanay inay Weerarkaa ku dileen illaa 30 Qof, kuwaasi oo ay ku jiraan Saraakiil Caddaan iyo Afrikaan ah oo ku sugnaa Goobaha la weerraray.

Kooxda Al-shabaab oo Qaraxa ka dib, War ka soo saaray Weerarradan, ayaa sheegtay in qaraxa koowaad uu beegsaday bar-koontarool oo Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ka ilaalinayeen Hoteelka Peace kadibna waxaa xigay qarax kale oo loo adeegsaday gaadhi xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, sida Al-shabaab sheegatay.

201712636189340467946952uuuuuuuu

Al-shabaab, waxay sheegatay inay Weerarradan ku dileen 8 Askari oo Ciidammada AMISOM ah, kuwaasi oo ay ku jireen Xubnihii Derajo ahaan ugu sareeyay Ciidammada joogay Kaantaroolka Madaarka Muqdisho ee la weerarray.

Waxa kale oo Al-shabaab sheegtay inay Weerraradaa ku dileen 18 Askari oo Ciidammada Nabad-sugidda Soomaaliya ah

Warka Al-shabaab waxa kale oo lagu sheegay in Weerarradaa lagu dilay 4 Qof oo Shaqaalaha Qaramada Midoobay ah, sidoo kalena dhaawacmeen 3 Shaqaalaha Qaramada Midoobay ah.

Kooxdan oo si Nidaamsan u soo qoray Tirada ay sheeganayaan inay Weerarradaa ku dileen, ayaa sidoo kale sheegtay inay Weerarradaa ku dhaawacmeen 32 Ciidammada AMISOM Ah.

Laakiin, khasaaraha ka dhashay Weerraradan, ayaan illaa hadda waxaan ka hadal Laamaha Ammaanka ee Dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada AMISOM Midna.

 

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews