berberatoday.com
Murashax Cabdiraxmaan Cirro Oo Cay Iyo Aflagaado Aanay Dhaqan Ulahayn Siyaasiyiinta S/land Kula Kacay Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar+ Faro-madhnaanta Xisbiga Waddani Ka Taagan Yahay Taageerada Shacabka Oo Cirro Ku Kaliftay Inuu Lasoo Baxo Dhaqan-xumo Siyaasadeed Oo Uu La Bartilmaameedsado Ganacsatada Beesha Mush, Kulmiye Muuse Bixi Ee (Habar Awal)
January 3, 2017 - Written by Berbera Today

niqaamHargeysa(Berberatoday.com)-Jaho-wareerka iyo Guuldarada soo food-saartay Xisbiga Waddani mudooyinkii u dambeeyey ayaa sababtay inuu Murashaxii Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cabdraxmaan Cirro) uu miciin bido cay iyo aflagaado qaawan oo uu ku weeraraayo Ganacsatada Beesha (Sacad Muuse Habar-awal), isagoo ka dhigganaaya Aar-goosi uu kaga aar-goosto guusha uu kala hulleelay Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo waqtiyadan danbe kaga awood batay masraxa Siyaasadda Somaliland, isla markaana hantiyey inta badan taageerada shacabka Codka bixiya, xilli Doorashadii aqalka Madaxtooyaddu kaabiga inagu soo hayso.

WaxanuMurashaxa Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro bilaabay Faafinta dacayado uu la bartilmaameedsanaayo Ganacsato biri-ma gaydo ah, kuwasoo aan la garanayn sababta uu colaada ugu qaadday, balse xogo ay heshay shabakadda Warar ee Xogreebnews daaha ka faydeen inuu ka dalbaday inay siiyan dhaqaale uu ku galo doorashada. Hase-yeeshee ay dhabarka u jeediyeen, isla markaana u sheegeen inaanay awoodin inay dhaqaale siiyan waqti xaadirkan xaaladdaha abbaareed dalka ka jiraan.

Hase-ahaatee, Musharraxii Madaxweynenimada ee Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa maalmihii u dambeeyey Shabakaddihiisa Warbaahineed ee uu maamulo xisbigiisu, si shiekhsiyan ah ugu daabacayeen kuna faafinaayeen warar aan sal iyo raadtoona lahayn oo wax loogu dhimaayo sharafta ay leeyihiin mudanta Ganacsatada ah ee reer Somaliland, iyagoo u yeelaya waji-qabiil, isla markaana si gaar ah u bartilmaameedsanaya ganacsatada Beesha Habar Awal, khaasatana kuwa (Sacad Muuse).

Ganacsatada uu sida gaarka ah Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Warbaahintiisa uu ku aflagaadeeyey, weliba sida bilaa akhlaaqnimada ah, waxa kamid ah Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo ah maamulaha Shirkadda daabacaadda boodhadhka ee Sagal-jet.Waxanu Murashaxa xisbiga Waddani si ka aaradan Milgaha iyo karaamadda Bini-aadanimo u caayey Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo ah, shaqsi biri may gaydo ah oo maamule shirkad ganacsi ah, waxanu ku weeraray arrin aan dhaqan u ahayn in la isku caayo, isla markaana waxa uu baahiyey oo uu la bartilmaameedsaday Shirqool aan noociisa hore loo arag oo ugub ku ah Siyaasiyiinta dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo shabakadiisa gaarka ah ee Wararka ku baahiyey Haweenay Niqaam uu isoo xidhay, isla mar ahaantaasna uu Ganacsade Cabdi Yuusuf Aar ku ceebeyey inuu Faro-xummeeyey. Dhacdadaas oo ah mid aanay haba-yaraatee waxba ka jirin markii aan u dhabbo galnay. balse ujeedada uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani uga dan leeyahay tahay inay isku beel hoose yihiin Murashaxa ka hantiyey aqlabiyadda shacabka Somaliland ee Xisbiga Kulmiye Muuse biiixi Cabdi iyo sidoo kale, ganacsade Cabdi Yuusuf Aar oo isku beel ah, weliba raas hoose isla sii ah(Sacad Muuse, Reer Samatar).

Ficilladan cidiyo ku dagaalanka ah ee aanay Siyaasiyiinta Somaliland si kasta oo looga guuleysto aanay dhaqan u lahaan jirin ee Murashaxa xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro lasoo baxay, ayaan ku eggay Ganacasade Cabdi Yuusuf aar oo kaliya, gefka iyo meelka dhaca uu la beegsaday, hase-yeeshee waxa uu bilihii u dambeeyey saarnaa ganacsade kale oo ay isku beel yihiin Murashaxa uu u quudhi waayey Hambalyada ee ciyaarta Siyaasadda ka badiyey, kasoo ah, Murashaxa Madaxweynaha xisbiga tallada haya ee Kulmiye. Ganacsadaha labaad ee isna lagu magacaabo Maxamed Aw Siciidoo ah Mulkiilaha Shirkadda Internet-ka ee Som-caple, ayaa uu Murashaxa Xisbiga Waddani bilihii lasoo dhaafay ku aflagaadeeynaayey shabakadihiisa warar ee barayaasha Internet-ka, sidoo kalena waxa uu Musharrax Cabdiraxmaan Cirro usoo adeegsaday Ganacsade Ina Aw siciid shaqsiyaad aqoon gaab ah oo kamid ah Xisbigiisa Wadani, kuwasoo Warbaahinta lasoo fadhiistay Cay iyo aflagaado ka dhan ah Ganacsadahan, kuwasoo been abuurad cad oo ay ku sammeeyeen, la gaadhay inay wanjalaad ku sameeyan, iyagoo ku eedeyey inuu daroogada ka ganacsado.

Si kastaba ha ahaatee, intaas uun kuma eka, dhaqanada ugubka ah ee Gudoomiye Cabdiraxman Cirro lasoo baxay, isla markaana Warbixin iyo laba toona laguma soo koobi karo dhaqannada uu la soo baxay Murashaxaasi, tan iyo mudooyinkii u danbeeyey markii uu xaqiiqsaday in laga hantiyey cududii shacabka Codbixiyaasha ah, hase-yeeshee waxaynu qormooyin kale kusoo qaadan doona dhaqan xumada siyaasadeed ee Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro kusoo kordhiyey dalka, iyadoonay marnaba dhaqankiisan oo kale ka suuroobin murashaxa la tartamaya ee Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi la soco qaybo kale iyo caddaymahooda.

 

 

 

 

Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews