Shacabka Oo U Dheg Taagaya Natijada Kulanka Sabtida Ee Saddexda Murashax Iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka –
January 3, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa ay shacabka Somaliland si weyn ugu dheg taagayaan kulanka la filayo inay Sabtida isugu yimaadaan saddexda xisbi qaran iyo guddiga doorashooyinku, kaas oo muhiim u ah arrimaha qabsoomida doorashada madaxtooyada.
Kulanka oo ay ahayd inuu qabsoomo khamiista saadambe, ayaa Sabtida ugu dhacay guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo la filayo inuu khamiista dalka soo gaadho. Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ku saabsan ujeedada kulankaas, haddana guddiga doorashada ayaa la saadaalinayaa inay madaxda tartamaysa u soo bandhigi doonaan natiijada uga soo baxday socdaal qiimayn ah oo ay ku tageen gobalada dalka, kaas oo ay ku soo ogaanayeen sida dadkii isdiiwaangeliyay goobahihii ay deganaayeen loogu gayn karo kaadhadhka cod bixinta doorashada.