berberatoday.com
“Xisbiyada Waxaan Leeyahay Heerka Aynu Marayno Ogaada, Oo Shacabka Hakala Qaybinaya”
January 3, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan), ayaa ka hadlay xalaada dalka, abaaraha dalka ka jira khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Axsaabta iyo Golayaasha Sharcidejinta. 

 

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Guddaha iyo Nabadgalyada ee Golaha Guurtida Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Axmed Gacan),oo u waramay Saxaafadda ayaa sidoo kale sheegay in Siyaasadii Arrimaha Dibaddu ay aad u liidato, oo Xukuumaddan ay kaga wanaagsanayeen Xukuumaddihii ka horeeyey, waxaanu yidhi   “Anagu Guurti baanu nahay, Nabadgalyadu ayaanu ku shuqul leenahay, dadka midnimadiisa iyo wax wada lahaanshiyihiisa ayaan anigu ka hadlayaa, dalkan ilaa iyo 91-kii marxlaado badan buu soo maray, reer reer, habar habar, maanta waxaad mooda talaabadii aanu dajinay, ee ILLAAHAY ha u naxariiste Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, uu rukumada u aasay, anaguna qoladaydii la takoorayey aanu la qabanay, aanu nidhi aanu dalka dajino, sidaas ayeynu wax ku helaynaa in Axsaabta Siyaasadu ka beydhsan tahay ayaad mooda, ta waxaan leeyahay dalku wuxuu u baahan yahay Nabad waa qodobka kowaad, wuxuu u baahan yahay cadaalad, waa qodobka labaad, wuxuu u baahan yahay horumar iyo shaqo dhalinyarada la siiyo, maanta la ilaaliyo xooga soo socda ee umadda ee mustaqbalka u noqon doona Madax in la ilaaliyo oo baddaha ay ku daadanayaan iyo waxan laga joojiyo, wuxuu u baahan yahay in la wacyigeliyo umadda, wuxuu u baahan yahay wakhti adag baa ina haye in abaarta wax laga qabto, oo maanta gacmaha isku geyno umadeena sidii aynu u badbaadin lahayn, arimaha aynu u baahan nahay waa kuwaas”.

Xildhibaan Axmed Gacan oo la hadlaayey Axsaabta ayaa yidhi “Axsaabta Siyaasada waxaan ugu baaqayaa heerka aynu maanta marayno ha la ogaado, hana la iska daayo dacaayada, cid Xamar qabanaysana ma jirto, kalmadaasina ilaa muddo dheer bay ina daba socotay, Xamar baa la inagu wadaa, Xamarna anaga waxba inagama jiraan, haddii aanu nahay qolada la leeyahay Xamar bay geynaysaa, wax alaale wax naga jiraa ma jirto, Madaxi maanta nooma joogto, wax aanu ku leenahay ma jirto, gunteedii waa la gaadhay, wax musutaqbala oo ay Waqooyi u hayso oo uu ku leeyahay ma jirto, oo waanu arkaynaa midhadhkii inooga shaqo  tagay dhibaatada haysta iyo sida maalin walba loo qarxinayo ayeynu arkaynaa, wax mustaqbala oo inoo yaala ma jiraan, marka ayaan been la dhoodhoobin ee wanaaga aynu u soo leexano, ayn midnimada sameeyno, kii soo baxaya ha soo baxo”.

Xildhibaan Axmed Gacan mar uu ka hadlaayey Siyaasada Arrimaha Dibadda ayaa yidhi “Waxaad mooda inay wax badani inaga dhiman yahay in labadii dawladood ee hore in xaga Siyaasada Arrimaha Dibadda inay ku jiheeyeen, laakiin maanta Siyaasadeenii Arrimaha Dibaddu wey xidhan tahay, Kontiiran baynu ku jirnaa cid inaga saarta ayeynu u baahan nahay, Odaygana inta u hadhay in lagu simo, oo wax dhibaato ah loo geysan ayaa haboon, midnimo qaran ayeynu u baahan nahay maanta,waxaan anigu dadka leeyahay  leeyahay Axsaabta Siyaasiga ahna ku waaninayaa, waar dalkeenu nabad buu u baahan yahay, abaartaas inaynu ka saaro ayuu u baahan yahay, oo umadeenii gaajo ayey u bakhtiyeysaa, qaar bay xoolihii ka madheen oo aanu ognahay, oo intaa waanu wareegaynaa, oo neef xoolaha haysan oo cidla taagan, in la meelayo oo meel biyo leh la dhigo, oo la hagaajiyo ayaa loo baahan yahay, laakiin in maanta inagu wax iska sheeg sheegno looma baahna, kii xumina isagaa soo bixi, kii wanaagsanina isagaa soo bixi, labaduna waa muwaadiniin, mid ajinabiyi maanta musharaxa kama aha, kamana noqon karo, waxaan leeyahay Dastuur Qaran baynu leenahay ee dib aynu ugu soo noqono, aynu is ilaalino, kitaabeenka jaamaca iyo islaaminadeena aynu ilaalino, umad baynu nahay, ee umadnimadeena aynu jirno, oo wixii kale aynu iska dhaafno”.

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey labada Gole Barlamaan ayaa yidhi “Golayaashana waxaan leeyahay idinka ayaa u Golayaala dadka, ILLAAHAY masuuliyad buu idin saaray, hadhaw wuu idin weydiinayaa, intaad idinka qudhiinu aad reero u qaybsan tihiin oo aad reero isku laynaysaan wax dadkan u hagaagaya ma jiro, labadii goleba waa baaba marka runta laga hadlo, waxaan iyagana ku waaninaya waar dalkiina u soo jeesta oo qofka qaloocan ee wax xun wada ee ina kala fidmaynaya farta ha lagu fiiqo oo ha la qabto”.

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlayey xeerka Doorashada  loo soo gudbiyey ayaa yidhi “Bishan akhirkeeda ayaanu ka hadlaynaa waxa na loo soo gudbiyey, waayo Dastuurka ayaa wuxuu leeyahay bil horteed baa la kordhin karaa, 27 ilaa iyo 28 march ayaa Doorashada lagu magacaabay, inta aanay February soo galin in aanu ku dhawaaqno ayaa loo baahan yahay, markaas taas wahtigeeda ayaanu la sugaynaa”.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews