berberatoday.com
Cirro, Muuse Iyo Faysal: Somaliland Ka Soo Hadha Tartankoodda, Mise Mid La Dhimata?W/Q Muuse Jaambiir
January 4, 2017 - Written by Berbera Today

Qalinkii: Muuse Jaambiir

sadexda-xisbi1

Ma odhan karro waa saddexdii  ugu sitay  Somaliland, balse waxaynu odhan karraa waa saddex waqtigu saami ahaan inoo hor keenay. Ma odhan karro waa isku mid Siyaasad ahaan, talo ahaan, go’aan ahaan iyo dhaqan ahaanba, balse waxaynu odhan karraa way kala duwan yihiin si la mid ah sida aanuu qofna qof ula mid ahayn, abuur waliba waa gaarkeeda.

Dhaliil iyo dhugasho midba si buu umadda isu baray oo ay u taqaannaa. si la mid ah taa midba siduu isu baray iyo abuurtiisuu magansanayaa oo dadka wax kaga doonayaa. Waxay ina hor joogaan xilli adag oo saymaha duruufaha inagu xeeranni  filasho wax saareen yeelan karraan, haddaan laga feejignaan.

Waxay doonayaan inaynu kala dooranno sadexdooda oo ka xulano kii ina hor geli lahaa berri. Waxay xaq inoogu leeyihiin inay cod ina waydiistaan, innaguna umad ahaan aynu u kala codayno oo midba calafkiisa inaga helo, hiil kalese maya! Waynu ku khasbanahay inaynu sidaa yeelo oo farteenna wax ku bedelo, oo ma jirro xeer kale. Cugashadu waa awood alle oo xagga Eebbe waa cad yahay kuu calafkaa u diyaariyay, Innaguse hadda ma ogin.

Aadami ahaan waxaynu nahay jillayaal sabab looga dhigayo imaatinka ka ilaahay sedkiisa ka yeelay. Sidaa daraadeed, qofna ma awoodo inuu kursiga saaro ka uu jecel yahay, ka uu neceb yahay ama ka soo horjeeddana seejiyo calafkii Ilaahay u qoray. Laakiin, bashar ahaan waxaynu awoodnaa inaynu kala raacno oo qofba kuu doono codka ugu hiiliyo. Tan lafteedu waa awood Eebbe oo qofba meel baa loo dirayaa, waayo, garashadii aad dhankaad doonto ku raaci lahayd ayaa lagu siiyay oo sabab u noqonaysa meeshaad marayso. Sidaasaa lagu kala badsanayaa taageeradda dadka oo kii loo qoray Ilaahay ugu badinayaa.

Way dhici kartaa in qof qaab khaldan wax ku doono, musuqna wax ku helo, laakiin taa macnaheedu maaha qofkaasi wuxuu dhacay calaf aanuu lahayn, waayo, qofna ma helo qurus aan Sareeye u qorin. Sidaa aawadeed, sugnaantu waxay u dhigan tahay uun, in qofkaasi qaabkaa leexsan ee uu Alle wax kaga doonay uu wax ku siiyay, sababtoo ah Ilaahay adoonka wuxuu wax ku siiyaa dariiqa uu  wax kaga doono samaan iyo xumaanba.

Sidaas ayuu midna qurus aan xalaal ahayn oo xaaraan ah ku hellaa, midna mid xalaal ah ku hellaa, isla markaanna mid kastaaba labadaa dariiq midkood uun buu  umadda u soo marayaa, mid ku guulaysta iyo mid ku guul daraysta oo jabkiisa xeelad looga dhigaba. Markay sidaas tahay, dad ahaan waxa inala gudboon oo keliya in aynu nidhaahno, ‘Doorrow noo door’ kaad noo doortaaba waa ficilkayagiiye.

Aan ka soo laabto is xusuusintaa oo u soo dego dulucda. Xisbiyadda Somaliland maanta dhawaaqyadda ay ku isku celcelinayaan maaha qaar dhaqaya, ee waa qaar uga daraya intan aynu haysano. Berri iyo dihashada waaga soo fool leh waxa iman karrana, waxa laga saadaaliyaa ama sii hilaadintooda sal u ah, waxa aawan ee maanta socda.

Markaan taa ka shidaal qaadano, maanta qaabka wax u socdaan, haddaan laga hakoon ee  lagu sii socdo, humaaga filashada libdhada soo socotaa siduu noqonayaa? Tiigaal, tiigsi iyo baadidoon dheer midna u geli mayno helista jawaabta su’aashan, marag furkeeddanna waxa inagaga filan werwerka iyo walaaca soogan ee ka dhashay mashruucan iswanjalka iyo isgoddobaynta u muuqda  ee socda.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews