berberatoday.com
Culimada TIMO-WEYNTA Ee Boorama Oo Madaxweynaha Ugu Baaqay In Laga Noqdo Go’aan Ay Fulintiisa Ku Eedeeyeen Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta
January 4, 2017 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Culimada Suudiyada Ee Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Boorama, ayaa ka soo horjeedsaday Go’aan Toddobaadkii hore Masaajid ku yaalla Magaalada Berbera lagaga wareejiyey Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca oo ay sheegeen inay muddo dheer Gacanta ku hayeen isla-markaana ay Lacag la’aan Dadka ku barayeen Diinta Islaamka.

Culimada Suufiyada ee Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca ee Magaalada Boorama oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama, waxay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ku eedeeyeen inaanu Dhexdhexaad u ahayn Culimada Dalka isla-markaana uu isagu Culimada Suufiyada ka wareejiyey Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera, kaasi oo ay sheegeen in markii Culimadii hore laga wareejiyey laga beddelay Magacii hore loogu yaqaanay isla-markaana loo bixiyey Xaaji Yuusuf Iimaan.

“Annaga oo ah Culimada Suudiyada Ee Dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca ee Magaalada Boorama waxaanu baaq u direynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), baaqayagu wuxuu yahay Masaajidka Magaalada Berbera ee Boqol sannadood in ka badan Culimada Ahlu-sunna Waljamaaca ay gacanta ku hayeen, Dadkana ay Diinta ugu barayeen Lacag la’aan, in Maanta Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu uu qaato Go’aan ah in laga Wareejiyo Culimadaas.” Ayuu yidhi, Mid ka mid ah Culimada Suufiyada oo ugu shirkaa Jaraa’id ka hadlay, waxaanu intaa ku daray, “Madaxweynaha waxaanu gu baaqaynaa inuu ka fiirsado Go’aankaas oo ah Mid Baadil ah. Madaxweyne Arrintu markay tahay Muran diimeed waa Arrin Cajiib ah, Wasiirka Diintuna Go’aan khaldan buu qaatay, waana dhinac. Tan iyo markii aad Wasiirkaa u Magacowday Diinta iyo Awqaafta wuxuu marayaa Lix Masaajid. Ahlu Sunna Wal-jamaaca waa Dad, Dalka iyo Diintaba Jecel, waa Dad Nabadeed oo Madaxdooda u hoggaansan.”

Warka 2-aad

Xubin kale oo ka mid ah Culimada Shirka Jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Culimada Suufiyadu meel kasta oo ay joogaan ay ka xun yihiin in laga Wareejiyo Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera, waxaanu yidhi, “Waxaanu ka codsanaynaa Cid kasta oo khuseyso in si deg-deg ah wax looga qabto Xukunka Baadilka ah ee Culimada Ahlu Sunna Waljamacaa lagaga wareejiyey Masaajidka Sheekh Isaxaaq ee Magaalada Berbera. Wasaaradda Diintu iyadaa Meesha keensatay Guddida (ka xukuntay Ahlu Sunna Waljamaaca), waxay sameeyeen in Magacii Masaajidka oo ahaa Sheekh Isaxaaq inay ku beddelaan Xaaji Yuusuf Iimaan. Markaa haddii aanu nahay Culimada Ahlu Sunna Waljamaaca aad baan uga soo horjeednaa Xukunkaa.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews