Fanaanadda Janet Jackson Oo 50 Jir Ilmo Ku Dhashay
January 4, 2017 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Janet Jackson oo ah gabadh heesaa ah ayaa cunugii u horeeyay oo wiil ah dhashay iyada oo 50 jir ah, sida uu shaaciyay qof u shaqeeya.
War qoraal ah oo uu soo saaray ayuuna ku sheegay in gabadhan heesaaga ah iyo ninkeeda ganacsadaha ah ee heer Qadar oo la dhoho Wissam Al Mana in ay dunida ku soo dhaweeyeen wiilkooda Eissa Al Mana.