MUQDISHO: Magacyada Xubno Reer Somaliland Ah Oo Ku Tartamay Saddex Kursi
January 4, 2017 - Written by Berbera Today
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Waxa Lagu Eedeeyay Inay U Codeeyeen Dad Aan Reer Somaliland Ahayn
Muqdisho(Berberatoday.com)-Doorashada Xubnaha Magaca Somaliland kaga qayb-gelaya Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Shalay mar kale dib uga bilaabantay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa lagu soo doortay Xubno ay ka mid tahay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo hore u ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Doorashadan, ayaa waxa Xildhibaannada ku soo baxay ka mid ah Muuse Siciid Jaamac oo 48 Cod kaga guuleystay Faadumo Cumar Nuur oo heshay 2 Cod, Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo 45 Cod kaga guuleysatay Ismaaciil Xasan Jaamac oo helay hal Cod, halka Qaasim Ismaaciil Axmed iyo Caasha Aadan Yuusuf oo Foosiya la tartamayey aanay wax Cod ah helin.