berberatoday.com
Shirkadda TELESOM Oo Dhar Iyo Bustayaal U Qaybisay Cusbitaalka Dhimirka Ee Hargaysa (Sawiro)
January 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa bustayaal iyo dhar  ugu deeqday dadka dhimirka wax ka qaba ee lagu daryeelo cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadda ay shirkaddu ku wareejinaysay deeqdan ayaa ka dhacday qaybta dhimirka ee cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, waxaana ka soo  qayb-galay masuuliyiin shirkadda Telesom ka socday iyo maamulka iyo guddida cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan waxaa ugu horayn ka hadlay Yaasiin Nuur Mooge oo ah madaxa Arimaha horumarinta Bulshadda ee shirkadda Telesom waxaanu ka warbixiyey inta ay leeg tahay agabkan ay maanta shirkadda Telesom ugu deeqday dadka dhimirka wax ka qaba.

Yaasiin Nuur Mooge ayaa sheegay in deeqdan dharka iyo bustayaasha igu jira ee ay shirkaddu Telesom maanta ugu deeqday dadka dhimirka wax ka qaba ee cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa aanu ahayn deeqdii koowaad ee ay shirkaddu soo gaadhsiiso cusbitaalka guud, balse ay shirkaddu marar dhawr ah cusbitaalka ka caawisay dhinacyadda dhismaha iyo caawimooyinka bani’aadanimada.

Amaal Maxamed Guure oo ka mid ahayd guddida cusbitaalka  guud ee magaaladda Hargeysa ayaa shirkadda Telesom uga mahadnaqday agabkan ay ugu deeqday dadka dhimirka wax ka qaba, waxaanay bulshadda iyo ganacsatadda kaleba ku dhiiri galisay inay ka qayb-qaataan taakulaynta dadka dhimirka wax ka qaba.

Amaal Guure ayaa tidhi, “ Sidaad ogtihiinba dhaxamihii baa soo dhacay, Hargeysa aad bay u dhaxan badan tahay. Waxaa jira dad badan oo dhibaataysan oon waxba haysan oo maskaxda wax uga dhiman yihiin. Markaa in wixii loo qaban karaba loo qabto waa waajib saaran qof kasta oo bani’aadama oo Muslim ahba. Markaa wixii aad ka soo caawin kartaanba ka soo caawiya. Shirkadda Telesom-na aad iyo aad bay u mahadsan yihiin”

Ugu dambayn waxaa munaasibadan  ka hadlay agaasimaha qaybta dhimirka ee cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Mustafe Xuseen Xirsi, waxaanu mahadnaq u jeediyey shirkadda Telesom.

“Marka hore waaan u mahadnaqayaa cid alaale cidkasta oo ka soo shaqaysay arinkan khayriga ah ee aynu maanta iskugu nimid, oo runtii ay u baahnaayeen dadkan meesha ku jira. Runtii meel la caawiyana waa meesha ugu wanaagsan ee qof intuu jeebkiisa wax ka soo saaro uu galin karo”, Agaasime Mustafe ayaa intaasi ku daray, “Ilaahay waxaan uga baryayaa shirkadda Telesom ee noo keenay qalabkaa ee alaabtaa ugu deeqday walaalahooda maskaxda ka buka ee jiifa cusbitaalka, Ilaahay miisaanka xasanaadka ha ugu daro”, sidaasi waxaa yidhi Agaasime qaybta dhimirka Mustafe Xuseen.

Shirkadda Telesom ayaa marar dhowr ah waxay caawimo gaar ah u fidisay dumarka iyo ragga dhimirka wax ka qaba ee ku jira cusbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, gaar ahaana xiliyadda ay dadkani aad ugu baahan yihiin dheerka iyo hugga kale ee laga maarmaanka u ah dadka dhimirka wax ka qaba.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews