“Siilaanyo Waxaan Afkiisa Ka Hayaa Meesha [Talada] Intaan Sii Joogi Doono Allaa Oge Dhaxal Baan Doonayaa Inaan Uga Tago” Prof Cali Khaliif
January 4, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa waraysi uu siiyey Telefishanka Universal, ku muujiyey sida uu ugu jeellan yahay inuu ku qanco sidii uu wax ula qabsan lahaa jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay oo caddeeyey in la iska dhaafi karo midnimadii Soomaaliyeed oo ay waa horeba iilka ku duugeen shacabweynaha reer Somaliland.
