berberatoday.com
Spain Oo Qabatay Qof Tariibe Ahaa Oo Lagu Qariyay Boorso
January 4, 2017 - Written by Berbera Today

Madrid(Berberatoday.com)-Booliska dalka Spain ayaa xidhay laba qof oo u dhashay dalka Moroko, kuwaas oo lagu eedeeyay inay isku deyeen in ay dad si sharcidaro ah ku geliyaan dalkaasi.

Waxaa lagu qabtay ayagoo wado seddax qof oo labo ay ku qariyeen kuraasta gawaarida hoostooda iyo mid lagu xiray boorso.

Dadkaasi ayaa laga gudbinaayay dhanka Waqooyiga Afrika.

boorso
Booliska oo Isniintii isku deyay inay baaraan gaari, ayaa waxay ka heleen qof lagu qariyay muraayadda hoosteeda, qof kaloo la geliyay kursiga dambe hoostiisa oo gud laga dhigay.

Laba qof oo dumar iyo rag kala ahaa oo loo maleynaayo inay dalka Guinea kasoo jeedaan ayaa gargaar degdeg ah loo sameeyay, maadaama uu neefsiga ku yaraa.

Dhacdo taa ka duwan, wiil yar oo Afrikaan ah ayaa laga dhex helay boorso qof dumar ah ay lahayd. Dhacdo tan la mid ah ayaa la arkay 30-kii december.

Waxaa loo maleynayaa in wiilkan uu ka soo jeedo dalka Gabon, waxaana loo sameeyay daaweyn degdeg ah.

Gabar lagu sheegay inay 22-sano jir tahay oo u dhalatay Moroko, ayaa isku deyday inay si qarsoodi ah ku geliso Ceuta, laakiin laanta socdaalka ayaa ku amray inay furto boorsada oo ku xirneyd gaari-gacan.

Xuduudda Spain iyo Moroko ayaa waxaa ka taagan qalalaase ka dib markii muhaajiriin Afrikaan ah ay isku deyeen inay xoog uga gudbaan.

Illaa 50 askeri Moroko ah iyo shan Spanish ah ayaa dhaawacmay ka dib markii 1,100 tahriibayaal ay isku deyeen inay xeyndaabka dumiyaan Axaddii.

Midkoodna umeysan suuragalin inuu ka gudbo halkaas, balse labo qof oo ka mid ah ayaa dhaawacantay waxaana loo qaaday cisbitaal ku yaalla Ceuta.

Intay rabshada socotay, mid ka mid ah ilaalada ayaa ishiisa ku waayay, sida saraakiisha dalkaasi ay sheegayaan.

Tahriibayaal badda lagu la’ yahay

Tirada tahriibayaasha ku dhintay badda

Dhacdo taas oo 9-kii december ka dhacday xuduuda waxaa ku lu lahaa ilaa 400 oo tahriibayaal Afrikaan ah.

Dalka Moroko waxaa ku sugan dad badan oo ka tahriibay dalalka saxaaraha ka hooseeya ee Afrika, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan Yurub.

Tahriibayaasha isku deya inay halkaasi ka gudbaan ayaa la qabtaa, waxaana dib loogu celiyaa Moroko, ka dibna waxaa lagu sii celiyaa dalalka ay markii hore ka tahriibeen.

 

 

 

 

Xigasho BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews