Turkiga Oo Lagu Soo Rogay Xaalad Deg Deg Ah Iyo Sababta
January 4, 2017 - Written by Berbera Today
Turkey(Berberatoday.com)-Baarlamaanka dalka Turkiga wuxuu u codeeyay in la kordhiyo xaaladda
degdegga ah ee dalkaasi uu ku jiro.
Wuxuu baarlamaanka ogolaaday in seddax bilood laga badiyo amarka degdegga ah oo la soo rogay ka dib afgembigii fashilmay ee bishii July, 2016.
Hadda wuxuu sii socondoonaa illaa bartamaha bisha April ee sanadkan.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka, Numan Kurtulmus, wuxuu sheegay in kordhinta inay muhiim tahay.