berberatoday.com
Xukumada Koonfurta Suudaan Oo Shacabkeedii Dalkaas Ka Qaxay Ugu Baaqday Inay Soo Laabtaan
January 4, 2017 - Written by Berbera Today

Juba(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku xigeenka South Sudan, Taban Deng Gai, ayaa ugu baaqay qaxootiga ka soo qaxay dalka inay dib u laabtaan.SSUDAN-POLITICS-UNREST

Deng Gai oo booqday gobolka koonfur-galbeed ee Yei ee dalkasi, si uu qiimeeyo xaalada guud ee Gobolka, halkaas oo uu dadka rayidka ah ugu baaqay in ay taageeraan dowladda KMG Midnimada Qaranka, si ay u keenaan nabad waarta dalka.

Iyadoo saraakiisha ay isku dayayaan in ay isku hagaajiyaan koox hoggaamiso wadahadalada qaran, ayaa hadana xiisada ay weli sare u kacsantahay dhanka baadiyaha.

Xubin sare oo ka tirsan Shacabka Sudan Liberation Movement ee mucaaradka, Peter Adwok Nyaba, ayaa sheegay in mustaqbalka dalka uu ku xiranyahay hirgelinta heshiiskii nabadda ee ay wada saxiixeen Madaxweyne Salva Kiir iyo Machar bishii Agoosto 2015.

South Sudan ayaa waxa la degtay fowdo iyo rabshado bishii December 2013 kadib markii lagu eedeeyay in uu Kiir-ku xigeenkii hore Riek Machar uu qorsheynayay inay afgembiyaan dawladda.

Dagaalka sokeeye ayaa ka qarxay markii ciidamada Kiir ee qabiilka Dinka iyo Machar ee qabiilka Nuer ay billaabeen inay is beegsadaan midba midka kale.

Heshiiska nabadda ayaa lagu saxiixay Addis Ababa Ethiopia si loo soo afjaro dagaalka, laakiin rabshado cusub ayaa bishii July 2016 ka dhacay Juba, oo lagu dilay boqolaal qof, taasoo keentay in Machar uu dalka ka cararo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews