berberatoday.com
Al-shabaab Oo Baahisay Magaca & Qabiilka Uu Ka Soo Jeedo Nin Gaadhi Xamuul Ah Ku Qarxiyey Huteel Dhinaca Ku Haya Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
January 5, 2017 - Written by Berbera Today

Idaacadda Al-shabaab Oo Sheegtay In Ninkani Safka Hore kaga jiray Liiska Dhallinyaro u diyaarsan Inay Qaraxyo fuliyaan

Muqdisho(Berberatoday.com)-Kooxda Al-shabaab, ayaa Shalay shaacisay Magaca iyo Qabiilka uu ka dhashay Nin Gaadhi Xamuul ah ku qarxiyey Huteel Magaciisu yahay Peace oo dhinaca ku haya Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, Qaraxaasi oo sida Al-shabaab sheegatay ay ku dhinteen illaa 30 Qof oo ay ku jiraan Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM.

Warka 2-aad (3)Idaacadda Al-shabaab ee ANDULUS ayaa baahisay in Ninka Qaraxaasi fuliyey uu Magaciisu ahaa Maxamed Abuukar Maxamed Calasoow, kaasi oo ku noolaa degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Idaacadda Al-shabaab waxay sheegtay in Ninka isku qarxiyey Huteelka Peace ee Magaalada Muqdisho uu ka soo jeeday Beesha Abgaal, gaar ahaan Jifada Daa’uud ee (Hawiye).

Ninkan ayaa Wareysi Idaacadda Andulus ka qaaday intaanu Gaadhiga ku qarxin Huteelka uu weerarray farriin u diray waxa uu ugu yeedhay Cadowga ILAAHAY, waxaanu yidhi, “Cadowga waxaan leeyahay ILAAHAY baan ku dhaartay Carruurtayadii Agoon baad ka dhigteen ee laba mid kama dhaxeyso inaad Toobad keentaan iyo inaad dhib la kulantaan..”

Sidoo kale, Idaacadda Al-shabaab ayaa Wareysiga ay Ninkan ka qaadday waxay ku sheegaysaa in Ninkan ka mid ahaa Xubno ku qoran Liis dheer oo u diyaar ah inay sidaas oo kale isku qarxiyaan.

Su’aalaha Idaacaddu waydiinayso Ninkan ayaa qaarkood u dhignaayeen sidan, “Maxaad kaga sii tagi lahayd saaxiibbada ku jira Liiska dheer ee Istishaadiyiinta.” Ayuu Weriyuhu waydiiyey Ninkan isku Qarxiyey Huteelka Peace, waxaanu yidhi, “Ha sugaan ilaa Maalinta la odhanayo Gaadhi (aad isku qarxin lahaydeen) waa diyaar.”

Dhanka kale, waxa Subaxnimadii Arbacada ee Shalay ayaa gaadhi yaaley goob gawaadhida UNDP la dhigo oo ku qarxay goobtii uu yaaley sida uu sheegay Taliyaha Booliiska ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa waxaa ku dhaawacmey Afar Askeri oo ka tirsanaa shirkad ilaalisa gaadiidka UNDP.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in bom-ka lagu xidhey Gaadhiga waxaana ku dhaawacmey Afar qof sida uu sheegay Taliyuhu.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews