Boqorradda Dalka Sweden Oo Aamisnan Inay Boqortooyada Kula Nool Yihiin Rooxaan
January 5, 2017 - Written by Berbera Today
Sweden(Berberatoday.com)-Boqoradda Dalka Sweden Haweenayda lagu Magacaabo Silvia, ayaa aaminsan in guriga Boqortooyada ee ay ku nooshahay ay joogaan Rooxaan.
Sidaana waxay ku sheegtay Dhukumantari laga sameeyay Nolosheeda, kaasi Khamiista Maanta laga siideynayo Telefiishanka Dawladda Sweden, sida ay ku warrantay Idaacadda BBC-du.
Boqorraddu waxay sheegtay in Guriga boqortooyada ee Drottningholm ay la deggan yihiin Dad Rooxaan ah, “Saaxiibbo Rooxaan ah” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Waa wax fiican, cabsi ma jirto.”