berberatoday.com
Boqorradda Dalka Sweden Oo Aamisnan Inay Boqortooyada Kula Nool Yihiin Rooxaan
January 5, 2017 - Written by Berbera Today

Sweden(Berberatoday.com)-Boqoradda Dalka Sweden Haweenayda lagu Magacaabo Silvia, ayaa aaminsan in guriga Boqortooyada ee ay ku nooshahay ay joogaan Rooxaan.

Sidaana waxay ku sheegtay Dhukumantari laga sameeyay Nolosheeda, kaasi Khamiista Maanta laga siideynayo Telefiishanka Dawladda Sweden, sida ay ku warrantay Idaacadda BBC-du.

Warka RooxaantaBoqorraddu waxay sheegtay in Guriga boqortooyada ee Drottningholm ay la deggan yihiin Dad Rooxaan ah, “Saaxiibbo Rooxaan ah” ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay, “Waa wax fiican, cabsi ma jirto.”

Guriga boqortooyada oo ku dhow Caasimadda Stockholm oo la dhisay qarnigii 17-aad, ayaa waxaa deggan boqorradda iyo Saygeeda Carl XVI Gustaf.

Boqorradda Sweden waxa kale oo ay ku sheegtay Dhukumantarigaa, “Mararka qaarkood waxaad dareemaysaa inaadan kaligaa ahayn” ayay sheegtay iyadoo ku adkaysanaysa inay Rooxaani la nool yihiin, “Waa Saaxiibbo fiican” ayay hadalkeeda raacisay.

Boqorradda Silvia, 73 ayaa guursatay Boqorka Carl 40 sano ka hor, waana boqorraddii ugu Wakhtiga dheerayd ee Sweden.

Boqorradda waxaa dhalay Aabbo Ganacsade ahaa oo u dhashay Dalka Jarmal iyo Hooyo u dhalatay Dalka Brazil.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews