Dowladda Mareykanka Oo Mar Kale Ka Hadashay Doorashada Soomaaliya
January 5, 2017 - Written by Berbera Today
New York(Berberatoday.com)-Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ka hadashay arimo la xiriira doorashada Soomaaliya iyo baarlamaanka cusub ee dhawaan la dhaariyay.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka John Kirby ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray waxaa soo dhaweeyay marka hore in uu furmay kalfadhigii ugu horeeyay ee baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in wax lagu farxo tahay waqtiga kama danbeysta ah ee loo qabtay doorashada hogaanka sare ee baarlamaanka.