“Gaadiidleydu Toddobaadka Dambe Ha Soo Doontaan Waddo-maristooda, Oo Ha Ku Dedaalaan Bixinta Cashuurta…” Wasiir SAMSAM
January 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay toddobaadka soo socda la bilaabayo Ururinta cashuurta waddo-marista Gaadiidka ee Lixda bilood ee ugu horeeya Sanadkan 2017-ka.
Wasiir Samsam oo ka hadlaysay Shir-jaraa’id oo ay Shalay ku qabatay Hargeysa, aaa tidhi, “Waxaan ku wargalinaynaa Gaadiidleyda reer Somaliland ee cashuur bixiyeyaasha ah ee sida fiican noola shaqeeya marwalba oo iyaga ugu horayn aan aad iyo aad ugu mahad celinayo oo marka aan dariiq marayo ayey i weydiiyaan oo ay yidhaahdaan maydaan keenin waddo-maristii cusbayd Wasiir? waxaan doonayaa inaan markaa u sheego inay bilaabmayso bishan January waana mid cusub oo sheeda ka muuqan doonta marka dirawal kastaa gaadiidkiisa ha ku dhejiyo (Warqadda Waddo-marista”.