berberatoday.com
Gabadh Yar Oo Laga Soo Xaday Magaalada Berbera Oo Ka Baxsatay Guri Ku Yaalla Hargeysa Oo Lagu Xabbisay, Xog-warranka Ehelkeeda Iyo Wer-werka Waalidiinta Soo Food-saaray
January 5, 2017 - Written by Berbera Today

“Waxay ii sheegtay inay Wejiga ka saareen Maro (kaga xidheen), dabadeedna keeneen Hargeysa oo aanay markii hore garanayn, kuna xidheen Guri yar….” Cabdixakiin Axmed Garaad Soofe Oo Wargeyska Himilo Uga Warramay Xaaladda Gabadha

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo Sanadahan dambe ay Somaliland ku soo badanayaan Carruurta la xado, ayaa waxa Shalay Magaalada Berbera gelinkii hore qaab Afduub oo kale ah looga soo kaxeeyay Gabadh yar oo Da’deedu tahay 14 Jir, waxaana lagu xidhay Guri ku yaalla Magaalada Hargeysa, kaasi oo ay markii dambe ka soo baxsatay.

Gabadhan oo Magaceedu yahay Isir Cabdirisaaq Sayid, ayaa waxa Magaalada Berbera ka soo kaxeeyay Saddex Dumar ah oo watay Gaadhi, waxayna keeneen Guri ku yaalla Magaalada Hargeysa, nasiib-wanaagse Gabadha yar baa Gurigii ka baxsatay isla-markaana la helay iyadoo ka dhex ooyeysa Magaalada.

Cabdixakiin Axmed Garaad Soofe oo ay Ehel yihiin Gabadhan yar ee Berbera laga soo qaatay, ayaa Wargeyska Himilo u sheegay in Isir Cabdirisaaq Sayid ay Subaxnimadii Shalay ay Saddex Dumar ahi ay si Xoog ah ku saareen Gaadhi ay wateen iyadoo maraysay meel bannaan ah oo ku taalla Magaalada Berbera kuna socotay Dugsi ay dhigato, markaasi ka dibna ay keeneen Hargeysa, laakiin ay ka baxsatay Guri ay ku xidheen, “Gabadhu waxay ii sheegtay in Saddex Dumar ahi ay Gaadhi Xoog ku saareen iyadoo maraysay meel bannaan ah oo reer Berbera ku tukadaan Salaadaha Ciidda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxay ii sheegtay inay Wejiga ka saareen Maro (kaga xidheen), dabadeedna keeneen Hargeysa oo aanay markii hore garanayn, kuna xidheen Guri yar. Laakiin waxay tidhi ‘Albaabkii ayaan gargaaracay oo ii furmay, waxaanan ka soo booday Deyrka.”

Cabdixakiin, wuxuu sheegay in Gabadha la helay iyadoo ooyeysa, “Hablo ayaa arkay Gabadha oo ooyeysa, markay waydiiyeen sababta ay u ooyeysana waxay u sheegtay wixii ku dhacay iyo in Dumar ay Xoog kaga soo qafaasheen Berbera, dabadeedna Aniga ayaa la ila soo hadashiiyey oo gartay, markaasi ka dib, waxaanan geeyay Saldhigga dhexe ee Hargeysa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Booliiska ka codsaday in la baadho Dumarkii Gabadha yar soo Xaday Magaalada Berbera.

Dhowr jeer ooh ore, ayaa sidan oo kale Carruur loogu qaatay Gaadiid, kuwaasi oo qaarkoodna la waayey, qaarkoodna mar dambe la helay.

Falalka noocan ah, ayaa wer-wer ku haya Waalidiinta Reer Somaliland, maaddaama oo aan Qofna ogeyn inay Carruurtiisu la kulmi karaan falalka noocan ah.

Inta la ogyahay, Ciidammada Ammaanka ayaan weli gacanta ku dhigin Hal qof oo ku eedaysan inuu ilmo yar xaday ama Qafaashay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews