Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland-ba waxa uu dhambaal Tacsi ah u dirayaa Bahda waxbarashada, iyo tacliinta sare, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga reer Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Guddoomiyihii Wasaaradda Waxbarashada ee Gobolka Sanaag, ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Saalax Xaaji Xasan (Aniis) oo ku geeriyooday saaka oo ay taariikhdu tahay 05/01/2017 shil baabuur oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Burco, isagoo ku sii jeeda gobolka Sanaag.