Maxkamada Gobolka Sanaag Oo Xukun Sanado Ah Ku Riday Rag Lagu Qabtay Khamri
January 5, 2017 - Written by Berbera Today
Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Maxkamadda Gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa xukun ku riday 4 Eedeysane oo Ciidamada Booliska Gobolka Sanaag oo maalmihii la soo dhaafay ay ka soo qabteen Degmada, kuwaas oo shixnad Qamri ah soo gelinayay Gobolka.

Fadhigii ugu dambeeyay ee Maxkamadda oo shalay dhacay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Taliska Ciidanka iyo Mas’uuliyiinta Maxkamadda.