Nuxurka Kulan Xaasaasi Ah Oo Madaxtooyada Ku Dhex Maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddiga Doorashooyinka + Waxyaabaha Laga Wada Hadley
January 5, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa habeen hore aqalka
madaxtooyada kulan kula yeeshay guddiga doorashooyinka qaranka.

Kulanka oo aanu wax war ahi ka soo bixin, ayaa warar uu Geeska Afrika helay waxay sheegayaan in guddiga doorashooyinki ugu horayn Madaxweyne Siilaanyo uga warameen halka ay u marayaan hawlihii daabicista kaadhadhka cod bixinta iyo arrimaha kale ee farsamo.