berberatoday.com
Wiil Reer Jabuuti Ah Oo Hooyadii, Aabbihii Iyo Saddex Hablood Oo La Dhashay Toorey Qudha Kaga Jaray, Booliskana Isku Dhiibay
January 5, 2017 - Written by Berbera Today

Dadweynaha Reer Jabuuti Oo Argagax ka Muujiyey Falkan Oo Noqonaya Kii ugu Horeeyay Ee Inta La Xasuusto Dhulka Soomaalida Ka Dhaca

Jabuuti(Berberatoday.com)-Wiil Dhallinyaro ah oo ku nool Xaafadda 7-aad ee Magaalada Jabuuti, ayaa si Arxan darro ah Toorey Nafta kaga qaaday oo Dilay Dhammaan Qoyskiisii, sida Aabbihii, Hooyadii iyo Saddex Hablood oo Ay Walaalo ahaayeen.

Sidaana waxa baahiyey Telefiishanka Dawladda Jabuuti ee RTD oo soo xiganaya Ciidammada Booliiska.

Warka 1-aad (21)Gacan ku-dhiiglaha ku dhaga-roobay Qoyskiisa oo ah Wiil Dhallinyaro ah, ayaa Telefiishanku sheegay inuu Toorey Qudha kaga jaray Hooyadii iyo Saddex Hablood oo Walaalo ahaayeen, markaasi ka dibna uu Telefoonka kala hadlay Aabbihii uu Tagsiile ka ah Magaalada Jabuuti, markii uu u yimidna uu isagana Toorey qudha kaga jaray.

Agaasimaha Waaxda Ammaanka Bulshada ee Booliiska Jabuuti Cumar Xasan oo Telefiishanka RTD uga warramay Dhacdadan Naxdinta lihi siday u dhacday, ayaa sheegay, “Abbaaro Afartii Habeennimo ayuu Wiil Dhallinyaro ah u yimid Ciidankii shaqada ku jiray ee Booliiska, wuxuu u sheegay inuu sameeyay Fal aad u xun oo uu laayey Dhammaan Qoyskiisa oo uu dilay Aabbihii, Hooyadii iyo Walaalihii. Markiiba Ciidanku waxay tageen Gurigii falkani ka dhacay. Markii hore waxay ugu tageen Gabadh yar oo Dhaawac ah, markii dambana waxay arkeen Shan qof oo Meyd ah oo Guriga dhexdiisa yaalla.” Ayuu yidhi Agaasimuhu, waxaanu intaa ku daray, “Shanta Qof ee La dilay waxay kala ahaayeen Aabbihii Reerka, Hooyadii iyo Saddex Hablood oo ay Walaalo ahaayeen Ninka Falkan geystay. Gabadhii dhaawaca ahaydna Dhakhtarta ayaa la geeyay oo way nooshahay. Baadhitaankii Guriga dhexdiisa aanu ka samaynay waxaanu ku soo helnay Saddex Mindiyood oo uu Ninkani u adeegsaday Falkan Foosha Xun.”

Masuulka u warramay Telefiishanku waxa kale oo uu sheegay in Ninka Falkan geystay uu qirtay Dilka uu kula kacay Qoyskiisa, “Ninkani waa Nin ku talo-galay inuu Falkan geysto, Dacwaddii ugu horeysay ee laga qorayna wuu ku qiranayaa inuu isagu dambigaa geystay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waa Nin 21 jir ah oo Sannadkii saddexaad ku jira Jaamacadda, markaa marka baadhitaanku dhamaado waxa la hor-geyn doonaa Cadaaladda.”

Dadweynaha deggan Xaafadda 7-aad ee Magaalada Jabuuti ee falkani ka dhacay, ayaa Argagax ka qaaday Dilkan Arxan Darrada ah ee Wiilkaasi kula kacay Qoyskiisii, “Intaan Jabuuti ku noolaa ma arag Fal noocan kale ah, ee ILAAHAYOOW ha nagu soo celin.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadweynaha reer Jabuuti ee deggan Xaafadda dhibaatadani ka dhacday.

Hooyo iyadana la waydiiyey siday u aragto Dilkan foosha Xun, ayaa iyadoo Argagaxsan waxay tidhi, “Waa Xun, ee waa in la raaciyaa isagana.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews