berberatoday.com
Cabdiraxmaan Cadami Oo Eedo Musuqmaasuq Oo Culus Dusha Ka Saaray Wasiirka Macdanta “
January 6, 2017 - Written by Berbera Today

“shirkadaha la isku bedbedalyo ee faraha badani dhammaantood lacag baa laga qaaday, lacagtaasina dadweynaha ma gaadho, qasnadda dawladdana kuma soo dhacdo, dadkuna waxa ay isweydiinayaan lacagtaasina halkee bay martay”Cabdiraxmaan Cadami

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hore ee Hay’adda shaqaalaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cadami, ayaa eedihii ugu cuslaa dusha ka saaray wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland, waxana uu ka codsaday inuu bulshada u caddeeyo meesha ay mareen kharashaadkii kasoo xarooday sahaminta shidaalka ee uu ka wado meelo badan oo dalka kamid ah.

Cabdiraxmaan Cadami ugu horrayn waxa uu xusay in dhaqamada wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo weliba jaah-wareerka bulshada ka haysata baadhintaannada shidaalku kamid yihiin  dhaqannada ay caanka ku yihiin dalalka reer Afrika, waxana uu yidhi,“waxan jecelahay inaan ka hadlo baadhista shidaalka ee gobollada iyo degmooyinka oo aan muwaadiniinta reer Somaliland la wadaago jaah-wareerka hawlaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, guud ahaan shidaalka ama macdanaha kale ee dalalka Afrika lama mahadiyo, qofka Afrikaanka ahna waxa lagu tilmaamaa qofka dunida ugu taajirsan, uguna faqiirsan, sababta oo ah khayraadkii ama dhulkuu ku jiraa oo wuu ku dul bakhtiyayaa, ama waddamada qaar waa lasoo saaray laakiin lama gaadhsiin oo  dad kooban baa qaata, wuxuuna ku nool yahay sadaqo ay bixiyaan waddamada reer Galbeedku.”

Waxa uu caddeeyey in bulshadu ka harraadan tahay baadhitaanada shidaallada dalka, isla-markaana aan weli la aqoonsan meelaha kharashaadkaasi marayaan,“Somaliland waddamada Afrika ee shidaalka laga helay aqoon ahaan way ka hoosaysaa, farsamo ahaanna way ka liidataa, Ilbaxnimadana way inooga horreeyeen, sidaas oo ay tahay shidaalkii iyo dhaqaalihii laga helay dadku way ka qattan yihiin, filina maayo Somaliland oo waddamada laga bakhtiyayo shidaalkii ka liidata in la mahadin doono” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.

cadamiWaxa uu Cadami su’aalo ka keenay mugdiga iyo hadoodilka ku jira baadhitaannada shidaal ee dalka laga wado, waxana uu farta ku fiiqay caddaymaha looga baahan yahay wasiirka macdantu inuu caddeeyo sababta shirkadaha kasoo jeeda dalka Chine dalka usoo galeen xilli shirkadihii reer Yurub xamaantoodii maalin cad ka urursadeen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“wasiirka loo bogi waayey ee laga cabanayo sahamintiisii haddii shidaalka lasoo saarona sidaas uunbay dadku ka ahaanayaan, wasiirka macdantu Toddobaadkii hore laba shir buu ku qabtay Caynabo iyo Burco, waxana uu sheegayey inuu shirkad Chinese ah wado oo sahamin samaynaysa, su’aalo badan  baa dadku iyaga oo jaah-wareersan isweydiiyey, waxana la ogaa shirkaddii Genel Energy oo maalgelisay sahamintaas oo qalab badan gelisay oo goor aan habeen iyo maalin toonna ahayn ka guurtay imikana shirkad Chinese ah buu wadaa oo dadka u sheegayaan, bal shirkaddii Genel Energy duruufihii ay ka guurtay waxbaa iska beddelay, mise waxa aynu odhan karnaa shirkaddan uu wasiirku imika wado ee uu dadka ku caamaynayaa waa Genel Energy oo shaadh kale soo gashatay iyo magac dawladeed oo kale oo Chine la yidhaahdo.”

Mudane Cadami waxa uu sheegay inaanay lacagihii laga qaaday shirkadaha kasoo jeeda dalka Chine lasoo gaadhsiinin shacabka, isla-markaana aan weli la haynin wax lacag ah oo khasnadda dawladda kusoo dhacday,“waxa kale oo meesha ku jirta Block-yadan haddii Genel Energy la siiyey oo loo oggolaaday Ceel af-weyn iyo Gar-adag Genel Energy miyaa lagala wareegay oo oggolaanshihii miyaa lagala noqday, shirkadahaas la isku bedbedalyo ee faraha badani dhammaantood lacag baa laga qaadayey, lacagtaasina dadweynaha ma gaadho, qasnadda dawladdana kuma soo dhacdo, dadkuna waxa ay isweydiinayaan lacagtaasina halkee bay martay, haddii taas la waayona shidaalkaas haddii lagu guulaysto oo uu soo baxo Iyana la heli maayo oo dadka gaadhi mayso khasnaddana ku dhici mayso” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadami.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews