berberatoday.com
Kulan Lagu Faaqiday Barmaamijka iyo Hiraalka KULMIYE Oo Professor Samatar La Yeeshay Hoggaanka Dhallinyarada
January 6, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Kulan lagu faaqiday barmaamijka siyaasadda ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE ku galayo doorashada madaxtinimada ee soo socota iyo hiiraalka xisbigu hiigsanayo mustaqbalka dhaw iyo kaalinta dhallinyaradu ka qaadanayso hirgelintiisa, ayaa loo qabtay Garabka Dhallinyarada xisbiga.

 

Kulan ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, kaas oo uu hoggaaminayey aqoonyahan Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu guddoomiye u ah guddi aqoonyahan ah oo diyaarisay barmaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE, waxa lagu lafo-guray sidii ay dhallinyaradu door laxaad leh uga qaadan lahayd fahamka iyo faafinta barnaamij-siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, isla markaana lagu siinayey tababar la xidhiidha qaabka dhallinyaradu barnaamijkaasi oo bisil uu u gaadhi lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Professor Samatar waxa uu dood dheer kala yeeshay dhallinyarada hannaanka loo baahan yahay in lagu faafiyo Barnaamijka xisbigu ku soo bandhigayo sida uu doonayo inuu dalka u hoggaamiyo muddada shanta sanno ah ee soo socota, iyadoo la doonayo in bulshadu fahanto, waxaana xubnaha hoggaanka garabka dhallinyaradu u faaqideen sidii ay doorkooda u qaadan lahaayeen faafinta iyo fahanka barnaamijka xisbiga, isla markaana waxay halkaasi su’aalo badan oo ku saabsan xaaladda dalka iyo xal-u-helidda caqabadaha taaganba ka waydiyeen Prof. Samatar oo isna jawaabo iyo sharraxaado waafi ah ka bixiyey arrimahaasi.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo markii kulankaasi dhammaaday ka hadlay, ayaa farta ku fiiqay doodda ay wadayeesheen dhallinyarada iyo ka wada qaybqaadashada qorshaha horumarinta dalka ee xisbigu wado uu xusay in dhallinyaradu yihiin kuwa wax wayn ka tari doona sidii sees adag loogu dhigi lahaa istaraatiijiyad uu xisbigu talada dalka mar labaad ugu soo laabto, waxaannu yidhi, “Sharaf weyn bay ii tahay inaan dhallinyaradii xisbiga KULMIYE labeentoodii laga soo xulay aannu halkan ku kulano oo isweydaarsanno su’aalo iyo jawaabo, guntooduna ahayd barnaamijka uu xisbigu ku geli doono doorashooyinka soo socda, hadhowna noqon doona halbeeg laga qiyaas qaato marka dawlad la dhisayo haddii guushu timaaddo, barnaamijkana in badan baanu ka shaqaynay, imikana wuu qoranyahay oo waa diyaar, dhallinyaradii aan halkan kula kulmayna dad fahmad badan oo diyaar u ah ayey ahaayeen, waanan ku faraxsanahay inaanu danta xisbiga iyo danta Somaliland-ba ka wadahadalno iyo weliba sida loo dhalaalinayo hawlaha wanaagsan ee xisbigu soo qabtay, taasina ay noqoto doodda laga duulayo ee ah in mar labaad xisbiga la aamino.”

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa isna uga mahadceliyey aqoonyahan Samatar kulan-hawleedka uu la qaatay iyo sida xilkasnimada leh ee uu dhallinyarada ugu huray kor-u-qaadista fahamkooda iyo kobcinta maankooda, isagoo tilmaamay in doodaha iyo tababarrada noocan oo kale ahi fure u noqon karaan inay da’yarta garbaha u ah xisbigu faham sare ka haystaan barmaamijyada iyo hawlaha maamul ee xisbal-xaakimku damacsan yahay inuu dalka ka hirgeliyo.

“Waxaannu wax badan ka faa’iidaysanay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo xidigaha Qarankanu ku faano ka mid ah, ujeeddada koowaad ee aannu isugu nimina waxa ka mid ahaa hawlaha xisbiga iyo sidii loo horumarin lahaa waqtigan xaadirka ah iyo mustaqbalkaba, waxa kale oo aannu isla eegnay wixii muddadii uu xisbigu talada hayey u qabsoomay iyo sidii loo horumarin lahaa, wixii ka qabyoobay iyo sidii loo sixi lahaa, wax badan oo xisbi ahaan dan noo ahna waanu ka faa’iidaysanay,” ayuu yidhi Cabdi-najax Siyaad.

Ugu dambayntii, Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo isagu soo xidhay kulankaasi, ayaa hadallo uu dhallinyarada kula dardaarmay, isla markaana uu ugu mahadnaqay Professor Samatar madasha ka jeediyey, “Aqoonyahan Samatar waan uga mahadnaqayaa dedaalka uu ku jiro ee uu kor ugu qaadayo aqoonta iyo fahamka dhallinyarada, bani’aadamkuna sidiisaba waxa uu mar walba u baahan yahay inuu wax korodhsado, siyaabaha wanaagsan ee da’yartiinan oo kale u baahan tihiin inaad wax ka barataan oo la sheekaysataan oo wax weydiisataan dadka Axmed Ismaaciil Samatar oo kale waa muhiim,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews