Mo Farah Oo Ka Hadlay Billadda Ay Boqoradda Ingiriisku Ku Maamuustay Oo Magiciisa 3 Xaraf Ku Kordhisay
January 6, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Orodyahanka Soomaaliyeed ee Maxamed Faarax (Mo) oo u orda Waddanka Britain, ayaa la kulmay Boqoradda Britian Queen Elizabeth oo guddoonsiisay Billad qaali ah oo ay ku maamuustay, isla markaana xarafyo Mudnaan muujinaya ku daraysa ama ku kordhinaysa Magaiciisii hore ee ahaa Mo Farah oo hadda laga bilaabo noqon doona Sir Mo Farah oo ka dhigan Mudane Maxamed Faarax.