berberatoday.com
Run Dabadeed (Post-Truth) (Dhaxalkii Sannadka 2016) (Faaqidaad) Qalinkii Xassan Cumar Hoorri –
January 6, 2017 - Written by Berbera Today

Sannadkii tegay 2016 waxaa loo arkay mid aad u kadeed badanaa. Sidaa awgeed, qof kastoo waxgarad ah waxaa uu ka ducaysan jiray harraatidiisa. Hooggu kuma uu koobnayn falalkii argagaxiso ee ka dhacay Xalab (Suuriya), Kabul (Afghanistan), Baqdaad (Ciraaq), Lahore (Pakistan), Nice (France), Brussels (Belgium), Orlando (Maraykan), iyo meelo kale oo badan. Isla markaa, godobtu gaar u ma ahayn Kooxda Daacish.

 

Xumaantuna kuma ay ekayn in ay soo ifbaxeen madaxda jaro-qabadka xun sida Trump (Maraykan), Farage (Hingiriis), Le Pen (France),  Fillon (France), Duterte (Philipine), Al Assad (Suuriya), Cabbaadi (Ciraaq) iyo kuwa ay soo gardaadiyeen ee ka ganacsada dir nacaybka, isir sooca, iyo diin takoorka. Isla markaa, dhibaatadu kama ay dhalan keliya inuu Maraykanku ka gaabsaday xasuuqa lala beegsaday dadyowga qaarkood. Jabkuna ma ahayn mid loo aanayn karo keligii Ruushka madaxa la soo kacay oo xabbaddu ka soo horrayso. Sidoo kale, keli kuma uu ahayn waxyeelada Shiinaha u halgamaya inuu isu moojiyo quwad aan la loodin karayn.

Hase yeeshee, xagga iyo xaggaaba, waxaa sartu ka qudhuntay markii “Run dabadeed” bulshada caalamku, inteeda badan, indhaha ay ka qarsadeen xaqiiqada, dhegahana ay ka furraysteen dhabta iyo erayga xaqqa ah; markii warbaahinta caalamka sida wargeysyada, idaacadaha iyo telifishannada ay hafisay  warbaahinta bulshada sida degelada internet, Facebook, Twitter iyo Youtube kuwaas oo lagu faafiyo warar ku-tiriyaa-ku-teen ah oo wax-ma-garatadu ama wax-yar-garatadu ay run u qaataan, kuna dhaqmaan; markii dal kasta kor uu sabbeeyay siyaasi aan damiir lahayn, aqoonyahan aan aragti fog lahayn iyo hoggamiye aan dan guud u taagnayn kuwaasoo bulshada ku haasaawiyay colaad, nacayb iyo aargoosi aan sal iyo raad lahayn. Haddaba, maxaa la yeeli karay haddii shacabkii qoonsaday sida dunidu u socoto? Haddii dadweynahii uu tebay isbedel yimaada? Iyo haddii dadkii ay “Beenta” ka jecelaysteen “Runta”?

Sannadkii tegay waxaa uu ka tegay, bulshada inteeda badan, in ay arrin kasta u akhriyaan sida gurracan oo ka fog runta biyo kama dhibcaanka ah. Waxaana laga dhaxlay arrimahu in ay u dhacaan gurraca loo akhriyay oo aanu suurayn karayn garaad bedqaba ama aqoonta suubban.

Waxaa ay ahayd “Gu’gii Carabta” ee lagu afgembiyay talisyadii mucangagga ahaa ee Xusni Mubaarak (Masar), Mucammir Qaddaafi (Liibiya), Cali Cabdalla Saalax (Yeman), Bin Cali (Tuunis), isla markaana, lagu sigay Bashaar Al Assad (Suuriya). Dalalkaa waxaa laga filayay in ay runta abbaaraan kuna tallaabsadaan isbedel u horseeda nabad, nolol iyo horumar ay kaga nabsi baxaan hooggii iyo guuldarrooyinkii laga soo maray keli talisyadii ay iskaga xoreeyeen in loo sadqeeya kumanyaal naftood hurayaal ah.

Hase ahaatee, ayaa filayay dalkii Masar in uu ku danbeeyo duruufo ka sii qallafsan kuwii taliskii Xusni Mubarak? Madaxweyne Maxammed Mursi oo doorasho xor ah lagu soo doortay waxaa kursiga ka tuuray askari uu ka soo qaaday meel hoose gacantana u geliyay hoggaankii ciidanka!

Mursi waxaa lagu xasuustaa inuu Yahuudda iska hortaagay colaaddii ay ku xasuuqayeen shacabka Daanta Qassa ee Falstiin, isla markaana, waxaa uu isu furay soohdimahii  Masar iyo Falstiin si uu u jebiyo derbigii cunaqabataynta Israa’iil.

Run dabadeed, ayaa filayay Masar inuu dhaxlo Madaxweyne si liidata ugu adeegaya Yuhuudda kaasoo xidhay dhuun kasta oo shacabka Falastiin loo soo marin lahaa baahidooda aasaasiga ah? Ayaa filayay dalka ugu weyn Dunida Carabta, Masar, Madaxweynahoodii Cabdifataax Al-Siisi inuu kabo-qaad u noqdo Yuhuud iyo inuu si aan reebasho lahayn xabbad uga la hortago cid kasta oo u adeegta Qadiyaadda Qudus, Qibladdii Kowaad iyo Masjidka Saddexaad ee Muqadiska ah?

Run dabadeed, ayaa rumaysan kara, markii laga tuuray xukunk, Cali Cabdalla Saalax inuu dadkiisa u soo horkaco Shiicada Xuutiyiinta oo uu la dirirayay 20 sannadood isagoo xasuuqay, gaadhsiiyayna fiinta ugu sarraysa ee nacayb, nac iyo colaad ay u qaadaan shacabka Yaman?

Run dabadeed, ayaa saadaaliyay Liibiya inay ku danbayso colaad, burbur iyo xasilooni-darro ka dib markii  dagaal-ogayaal u kala qoqobeen gobolo mid kastaa uu ku taamayo inuu kan kale dhulka la simo?

Run dabadeed, ayaa ku seexday Madaxweyne Erdogan (Turkigu) in uu la bahoobo dhiigyacabka dadkiisa gumaaday, Bashaar Al Assad, Madaxweyne Putin, Shiicada Iiraan iyo maleeshiyada Xisbullah kuwaasoo muddo 5 sannadood ah ay dhex miranaysay colaadda ugu xun?

Run dabadeed, ayaa maalayn karay inuu Ruushku sidii uu rabo ugu gooli-baadho maatada Xalab ee gulufku ragaadiyay iyo in ay dunidu ku daawato gabbodfalka lagu la kacay shacabka Suuriya?

Run dabadeed, Hingiriiska oo ka mid ahaa dawladaha fara-ku-tiriska ah ee ka taliya dunida, gaar ahaan, isagoo safka hore uga jiray qaaradda Yurub, ayaa saadaalin karay in shacabkiisu uu ka codeeyo Midnimadii Yurub iyagoo ka doorbiday in ay go’doon noqdaan? Talo xumadaasi, waxaa hubaal ah in ay u horseedi doonto burbur aan laga waaqsan karayn.

Run dabadeed, ayaa aaminsanaa Donald Trump in loo dooranayo Madaxweynaha Maraykanka? Trump waxaa la isku raacay inuu yahay qof ka arradan bar kasta oo lagu garan karo hoggamiye qaran. Waxaana la sii odorosay inuu dalkiisa u hoggaamin doono burbur iyo dib-u-dhac.  

Dhinaca kale, Musimka tirada yar ee Rohinghya waxaa si ba’an loogu gumaadaa dalkooda Myanmar (Purma). Si loo qaxiyo degaamo dhan ayaa dad iyo duunyaba dab la qabadsiiyay. Run dabadeed ayaa suurayn karay in looga sii daro markii talada dalka ay gacanta ku dhigtay haweenayda Aung San Suu Kyi oo hore loogu abaalmariyay Billadda Nabadda ee Nobel-ka?  Aung San Suu Kyi waxaa loo haystay qof u ololaysa dimuqraadiyadda iyo xuquuqda dadka. “Dulmi-diide, dulmi-donaa la arkee!”, Aung Sun, waxaa ay muddo 15 sannadood ah ku xidhnayd gurigeeda iyadoo ka dhiidhiday ciidamadii dalka ka talinayay dulmigii ay ku hayeen dadkeeda. 

Dhacddoyinkaa murugada leh iyo kuwo ka sii badan ayaa laga dhaxlay sannadkii tegay taasoo ay keentay markii dadku ay dhegaha ka gufaysteen, indhahana kor uga laliyeen “Runta” aan lagu dabooli karayn baabacooyin iyo warar been-abuur ah oo ka soo burqanayay degelada bulshada. Arrimahu sidaas u ma ay dhaceen haddii bulshadu ku go’aan qaadan lahayd xaqiiqada.

Sidaa darteed, erayga “run-dabadeed” (Post-truth) ayaa noqday waxa ugu dhow oo lagu tilmaamsan karo waxii sababay aafooyinkii gacan-ku-abuurka ahaa ee dunida ku habsaday 2016. Eraygu waxaa uu ku soo biiray afafka dabayaaqadii 2016. Waxaana diiwaan-geliyay Qaamuuska Oxford ee milgaha leh ka dib markii si baahsan loogu qaadaa-dhigay qormooyin lagu dhaliilayay sidii Hingiriiku uu uga xadhig furtay (Brexit) Isbahaysiga Yurub. Waxaa ay iska dhega tireen runta markii ay ku dhiiradeen in ay haadaan ka tuuraan dalkooda. Sidoo kale, Maraykanku waxaa ay doorteen Donald Trump taasoo loo arka in ay dalkoodii qar ka sii laalaadiyeen.. 

Erayga “Run Dabadeed” markii ugu horraysay waxaa uu ku soo arooray qormo 1992 Steve Tesich uu ku soo daabacay warsidaha ‘The Nation’. Qoraaga oo asalkiisu ka soo jeedo dalka Serbia waxaa uu ka faalloonayay Fadiixadii Iiraan kaa dib markii Maraykanku si qarsoodi ah hub uga iibin jiray Iiraan si loogu soo furto lahaystayaal lagaga qafaashay dalkaa. Arrintaas waxaa dafiray Madaxweyne Ronald Reagan. Markaa, waxaa uu qormadiisa ku tibaaxay, “haddii aan nahay dadka xorta ah, waxaa aan si xornimo leh u go’aansannay in aan ku noolaano, kuna naaloonno waayaha “run dabadeed”. Qoraagu waxaa uu uga dan lahaa runtu in aanay wax qiimo ah ugu fadhiyin dadka xorta ah oo laga wado dadyowga dalalkoodu dhiiri-geliyaan in dadku si xor ah u hadlaan una cabbiraan aragtidooda.

Gebogebadii, waxaa xusid mudan fannaanka Maraykanka ah Stephen Colbert kaasoo markii ugu horreeyay adeegsaday erayga ‘run-la’aan’ ama “truthiness” eraygaa oo Qaamuuska Oxford ku micneeyay ‘in la soo dhoobdhoobo wax run u eeg’ si ay u rumaystaan waxyar garatadu ilaa qofkii soo dhoobdhobay laftigiisu uu u maleeyo inuu run yahay.

Waxaa aan soo xusuustay maahmaah laga yaqaan gobolada Jubbada Hoose ee Somaaliya taasoo ahayd, “Run ha sheegin, been ha sheegin, waxaad sheegtona ha waayin”. Haddaba, dunida maanta waxaa ay eeday markii runta lagu daboolay buste madow, isla markaana, maro bafto cad ah lagu soo xanbaartay been iyo dhalanteed. “Run dabadeed”, dunida maantu waxaa ay eeday malo-awaal iyo ismoodsiis laga jeclaysto “Runta”.

Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh hassanhorri@gmail.com ama ku tixraac @horrimania

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews