Wasiirka Gaashaandhigga Oo Ka Hadlay Ahmiyadda Ciidanka Qaranku Ugu Fadhiyo Somaliland
January 6, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa shalay tababar u soo xidhay dufcaddii afraad ee ka qalin jabisa kuliyadda saraakiisha ciidanka qaranka ee Cabdilaahi Askar oo ka mid ah akaadamiyadda Ciidanka Qaranka ee Dararweyne.

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sarreeye Guuto Cabdi Xirsi Ducaale,abbaanduulaha ciidanka qaranka iyo taliye ku-xigeenka ciidanka ilaalada xeebaha,hoggaano saraakiil iyo taliyeyaal ka tirsan ciidanka qaranka iyo ciidanka illaalada Xeebaha.