berberatoday.com
Abbaanduulihii Hore Ee Ciidammada Qaranka Somaliland Oo Geeriyooday
January 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Alle ha u naxariistee waxa Goor dhawayd Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa ku Geeriyooday Abbaanduulihii hore ee Ciidammada Qaranka Somaliland General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas).

Geerida Marxuumka waxa Shacabka ka Tacsiyadeeyay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, sida lagu sheegay Dhambaal Qoraal ah oo u dhignaa sidan:-

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi isaga oo ku hadlaya afka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, ciidammada kala duwan ee Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo ku geeriyooday cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa galabta oo taariikhdu tahay 06/01/2017, kadib xannuun ku soo booday.
Marxuum General Cabdillaahi Xaaji Jaamac (Calas) oo hore u ahaa Abaanduulihii Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiisha muddada dheer ku soo jiray ciidammada ee aqoonta badan iyo waayo-aragnimada lahaa, waxaannu door wayn ku lahaa hub-ka-dhigistii iyo nabadayntii beelaha Somaliland, sidoo kalena, waxa uu ku jiray saraakiishii budhiga u ahaa dhismihii iyo horumarinta ciidanka Millatariga Somaliland.

Marxuum Calas

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ciidammada iyo shacabkaba uu Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews