Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan-Cirro Oo Kulan Qarsoodiya Ku Yeeshay Hargeysa
January 7, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Murashixiinta mucaaradka ah ee xisbiyada Waddani iyo UCID Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa muddo dheer ka dib shalay kulan qarsoodiya ah ku yeeshay magaalada Hargeysa.
Kulankan oo aan wax war ahi ka soo bixin, ayaa waxay warar xogogaal ahi Geeska Afrika u sheegeen inay labada murashax kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsantahay doorashada madaxtooyada ee qorshaysan inay qabsoonto March 2017, iyadoo ay dalka ka jirto xaalad abaareed oo aad u adagi. Faysal iyo Cirro, ayaa la sheegay inay isla garteen qodobadii ay ka wada hadleen.