GUD: UCID France oo dhaliilo culus u soo jeediyay labada xisbi KULMIYE IYO WADANI. Kuna tilmaamay in AANAY u Kala hadhin labada xisbi baabiinta qarannimada SOMALILAND. Kuna taliyay in UCID la doorto
January 7, 2017 - Written by Berbera Today
MARKAY U DARANTHAY DALKA YAA U HALGAMI JIRAY:?! Waxa dhowaaan si adaa loo hadal hayay eedaha ay isu jeedinayaan labada xisbul XAAKIM ( WADANI IYO KULMIYE OO aan anigu u aqaano QUDHMIYE) Eedaymaha ay isu jeedinayaan ee ay isku eedaynayaan xidhiidhka hoose ee mid KASTA ay Wada leeyihiin SOMALI KOONFUR. Maahmaah ayaa tidhaahda labada xaqdaro ku heshiiyaa xaqa ayay ku coloobaan). Way cadahay in uu xaqiii soo qabtay labadaba oo Xaga ilaahay ay ka fashilmeen. QUDHMIYE isagaa fasaxay isusocodka labada dal, isagaa furay Wada hadalada labada dal, isagaa u diray wasiirkii ganacsiga shirkii ka dhacay Sweden ee maalgashiga DALKA Somali Repbulic loogu samaynaayay ee ay ka soo qayb galeen wasiiradii maamulgoboleed, isagaa inaga dhigay maamul goboleed, isagaa MAGACAABAY Sifir oo aaminsan midaamkii hore, marka waxaas oo Dhan Laga yimaado QUDHMIYE isagaa soo macsuuma siyaasiyiinta IYO masuuliyiinta SOMALI KONFUR SIDA GALAAL IYO FAROOLE IYO qaar kale oo badan. Waxa aaa U TAQAANAAN SOMALIA OO aan anigu Hadaan Maxamed ahay (UCID) NAHAY U NAQAANO SOMALI KOONFUR! Maaha wax laysku khuukhiyo WADANI: heesbaa tidhaahda (WIXII DHACAYABA DHANKIISA HAYAHA) WADANI wixii DALKA ka dhacay wuu La qaybsaday QUDHMIYE waayo isagaa sharciga u haya DALKA ku illaalinta sharciga ee DAWLADA isagaa ka massuul ah iska daa illaaline Waxa dhex fadhiya siyaasigii ugu waynaa ee 25 ka ay jirtay SOMALILAND ka soo horjeeday xilal Kala duwana ka soo qabtay muqdisho, WUXUU SIDOO kale balan qaaday siyaasigani in uu imanaayo SOMALILAND marka uu arko xisbi u ololaynaaya MIDNIMADA labada SOMALIDA AH! Waa kuma ninkaasi waa BUUBAA. Waxay somalidu ku maahmaahdaa laba qaydhinka ku qaybsatay bisaylka iskuma cawryaan!! Adeer dalkii qaydhinkaa ku qaybsateene Baaqiqa soo hadhay dadka ma loo daynayaa!? SOMALIALND: waxa uu ahaa fikir dhashay 1991, siduu ku dhashay fasiraadbay u baahantahay iminka ma galaayo fasirkaa. LKN ilaa iminka 2017 CID fikirkii kaga shaqaysiisa ayaa la layahay. Iska daa ka shaqaysiine, DALKA dagaalo sokeeye ayaa Laga riday, Kuwii ( dagaaladii sokeeye ) ayuunbaa iminkana siisocda. oo waayo reer hebel ayaa laysku dooranayaa laysugu hiilinayaa oo sharcigiibaa meeshii ka baxay, qofka sharci difaaci maayo ee reerkooda iyo odaygiisa ama suldaankiisa ayaa ka daba tagaaya,ceeb caleek, iminkana reer hebel ayaa laysku wataa AMA laysugu codaynayaa.waynu ognahay siyaasiga maanta jiraa inta uu reerka uu isir ahaan ka soo jeedo la shiro ayuu reeraha kalana xoriyada ka qaadayaa oo odhanayaa “hooyaa ina wada dhashay oo isku bah ayaynu nahay ama reer abti ayaad ii tihiin ama jeegaanbaynu nahay waarso iyo naato iyo wax aynaan shaqo ku lahayn”!! Hadal IYO dhaaan danta DALKA IYO DALKA UCIDBAA U TAAGAN MARKANNA WAA MARKII UCID cid maanta ka khibrad badani ma jirto FAYSAL CALI WARAABE OO KA KHIBRAD BADAN labada kale ee meesha marayaba marka loo eego waxa ay soo qabteen iyo sida ay u shaqeeyeen. wali ninkan shaqo aynu u dhiibanay oo uu dayacay ma jirto WAXAAN u arkaa waxaynu DOONAYNO IN UU ISAGU KU HABOON YAHAY KEENIDIISA! waxaasna waxa ugu wayn dalkan sidii uu citiraaf u heli lahaa arintaasna qof illahay ka baqaaya oo dadka aan khiyaamaynaynin oo daroogo aan isticmaalin una doodin ayaa ku haboon, dalkeena itoobiyaa si dadban u haysata iyada(ethiopia) oo jaadka inoo soo dhex marta. waa gumaysi dadban labada xisbi ee kaleba marfishyo ayaa u furan marfishkana waxaan u aqaanaa DAAS AY ITOOBIYA LEEDAHAY! ALLA mahad LEH GUDOOMIYAHA UCID EE France Wake up 33758785639