berberatoday.com
Madaxweynaha Turkiga Oo Sheegay In La Doonayo In Dalkiisa Laga Dhigo Sida Suuriya Iyo Ciraaq
January 7, 2017 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-Ka dib, Weerarka Habeenkii Sannadka cusub lagu qaaday Magaalada Goob lagu caweeyo oo ku taalla Caasimadda Turkiga ee Istanbul isla-markaana lagu dilay 39 Qof oo Rayid ah, ayaa Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu hanjabaad u diray Kooxaha loogu yeedho Argagixisada.

Warka TurkigaRecep Tayyip Erdogan, wuxuu sheegay in Dawladdiisu ay la soo bixi doonto talaabooyin liddi ku ah Argagixisada isla-markaana ay cidhib-tiri doonto.

Erdogan, waxa uu tilmaamay in qorshaha Kooxaha uu Argagixisada ugu yeedhay uu yahay inay aamusiyaan shacabka, kalana qaybiyaan, laakiin ay arrintaasi ka hor-tagayaan

”Argagixisadu ugama aamusi doono inay gumeystaan shacabka, waayo? waxa ay doonayaan in dalka oo dhan ay ka dhigaan sida Suuriya iyo Ciraaq, laakiin taa beddelkeeda waxaan go’aan ku gaadhnay inaanu dhulka la jarno”

Erdogan, waxa uu ku hanjabay inay Dawladdiisu ay bilaabi doonto dagaal ka dhan ah kooxaha Xag-jirka ah, “Turkiga, marnaba isuma dhiibi doono argagixisada, laakiin waxay sii wadi doontaa dagaalka ay kula jirto illaa laga cidhib tirayo” ayuu yidhi, Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Dhanka kale baarlamaanka dalka Turkiga ayaa u codeeyay in la kordhiyo xaaladda deg-degga ah ee dalkaasi uu ku jiro, wuxuuna ogolaaday in Saddax bilood laga badiyo  Xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Dalkaasi, ka dib afgembigii fashilmay ee bishii July ee Sannadkii hore.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews