berberatoday.com
Masar Oo Si Weyn Uga Shakisan Saldhiga Sucuudiga Ee Djibouti
January 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.cxom)-Dawladda Masar ayaa si weyn uga shakisan doonista Sucuudigu uu ku doonayo inuu saldhig milatari ka samaysto wadanka Djibouti.

 

Warbaahinta Carabta ayaa maalmihii u dambeeyay daabacaysay warbixino ay ka soo xiganayaan ilo xogogaala oo ah diblomaasiyiin reer Masar ah, kuwaas oo sheegaya in dawladda Masar ay ka xumaatay saldhiga milatari ee Sucuudigu uu ka dhisanayo dalka Djibouti.

Wasiirka arrimaha dibadda Djibouti Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Sucuudigu deg deg u bilaabayo dhismaha saldhigaas milatari ee uu dalka Djibouti ka samaysanayo.

Masar iyo Djibouti oo uu muddooyinkan u dambeeyay xidhiidhkooda diblomaasiyadeed hoos u sii dhacayay, ayaa u muuqda inay hadda isku seeganyihiin saldhigan milatari ee cusub oo ay warbixinuhu sheegeen in dhaqso loo bilaabyo dhismihiisa.

Dawladda Masar ayaa aaminsan in saldhigani halis ku yahay amniga qaran ee Masar. “Qaahira ma ogola, waanay ka soo horjeedaa saldhigaas, waayo Djibouti waa meelaha ay Masar ku leedahay saamaynta deegaan, muhiim ayaanay Djibouti u tahay danaha qaran ee Masar.” sidaas waxa yidhi diblomaasi Masaari ah oo u waramay warbaahinta The New Arab, waxanu intaas raaciyay, “talaabada Sucuudigu waxay ka soo horjeedaa dhaqamada Cabreed ee soo jireenka, iyadoo dhulkani [Djibouti] uu saamayn toos ah ku leeyahay gaadiidka maraakiibta ah ee u socdo kanaalka Suways.”

Warbixin ay hay’ad Ingiriis ahi dhawaan soo saartay ayaa sheegtay in Iiraan Hub u tahriibisay Xuutiyiinta uu Sucuudigu Yemen kula dagaalamayo, iyadoo u marisay biyaha Yemen ku teedsan. Sidaas daraadeed Sucuudigu, wuxuu ku doodayaa in ujeedada koowaad ee uu ka leeyahay saldhiga milatari ee Djibouti ay tahay inaanay dawladda Iiraan ka faa’iidaysan oo aanay soo gelin biyaha gobalka, laakiin Masar ayaa qabta in Sucuudigu marka hore arrintan ka qanciyo iyaga.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Siisi, ayaa dhawaan magaalada Qaahira ee dalka Masar ku martiqaaday Madaxweynaha Djibouti, waxaanay halkaas ku kala saxeexdeen heshiisyo cusub, iyadoo Masar balan qaaday inay Djibouti ka samayn doonto maalgashiyo horumarinteed. Dadka siyaasadda gobalka falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweyne Siisi uu Madaxweyne Ismaacil Cumar Geele kala hadlay saldhigan cusub ee Sucuudiga.

Dawladaha Sucuudiga iyo Masar ayaa waxa hore uga dhexeeyay xidhiidh wanaagsan, waxaanu Sucuudigu dhawr bilyan oo Dollar ku caawiyay dawladda Masar, ka dib afgembigii madaxweynihii hore ee Masar ee xabsiga ku jira Maxamed Morsi, isagoo Sucuudigu taageero diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale u fidiyay xukuumadda Cabdifataax Sisi.

Hase yeeshee xidhiidhka labada xukuumadood ayaa xumaaday, waxaana sabab u noqday qaddiyadda dalka Suuriya. Sucuudiga ayaa dedaal ugu jira sidii loo tuuri lahaa madaxweynaha Suuriya Bashaar Asad, halka ay Masar iyaduna taageerayso Madaxweyne Bashaar.

Sucuudigu wuxuu joojiyay sahaydii shidaal ee uu dalkiisu gayn jiray dalka Masar bishii Oktoobar ee sannadkii hore, ka dib markii ay dawladda Masar taageertay qaraarka uu Ruushku waday ee uu geeyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee la xidhiidha xaaladda Suuriya, taas oo uu Sucuudigu aad uga xumaaday.

Dawladda Masar ayaa dhawr goor isku dayday inay si diblomaasiyadeed u dhammayso khilaafka ka dhexeeya dalka Sucuudiga. Laakiin Sucuudiga ayaa diiday, isagoo ku xidhay in marka hore xilka laga qaado wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Mr. Sameh Shukri oo uu Sucuudigu u arko ninka xumeeyay xidhiidhka labadaas dal.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews