berberatoday.com
Gudoomiyaha Murashixiinta U tartamaysa Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Arimaha Dalka iyo Doorashada
January 8, 2017 - Written by Berbera Today

aadan-jaamac-cabdillahiHargaysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Murashixiinta utartamaya golaha wakiilada Somaliland Aadan Jaamac Cabdilaahi ahna musharax ka sharaxan gobolka Togdheer oo shabakada Hadhwanaagnews ku booqdey xafiiskeeda Hargaysa ayaa ka hadlay marxalada uu dalku marayo iyo abaaraha kajira qaar kamida gobolada dalka.

 

Gudoomiye Aadan ayaa ugu horayn baaq udiray gudida doorashooyinka Somaliland iyo sidoo kale xukuumada, waxaanu hadalkiisii kamid ahaa “Waxaan maanta jecelahay inaan baaq udiro meelo kala duwan, waxaanan ugu horaysiinayaa gudida doorashooyinka oo maalmahan aan arkaynay iyagoo maraya gobolada dalka iyagoo le waxaa laqaybinayaa kaadhadhkii waxaan leeyahay marka hore gudida ilaahay ha idinku asturo xilka la idiin dhiibay, xaalada dalku kujiraana idinkuna waad aragtaan anaguna waanu aragnaa, dadkii diiwaan gelinta ka shaqeeyayna waanu nahay, waxaanan arkaynaa inaan xiligan dadkii aanu ka diiwaan gelinay gobolada dalka, gaar ahaana gobolada Bariga dadkii ayna joogin oo abaarta awgeed badhna xagaa maamul goboleedka Puntland galeen intii kala ay gashay Itoobiya, sidaa daraadeed xiligan maaha in laqaybiyo kaadhadh oo dadkii looqaybin lahaaba majoogaan, haddii la qaybiyana dayac ayaa ku imanaya kaadhadhkaasi markaa waxaanu leenahay masuuliyadaa ilaaliya , xiligana maaha xili munaasiba oo wax laqaybiyo dalkuna waxa uu kuijiraa xaalad abaareed oo xun” ayuu yidhi gudoomiye Aadan.

Waxaa uu sidoo kale baaq kaasi lamida uu udiray madaxwaynaha Somaliland iyo golaha guurtida “Waxa kale oon halkan baaq uga dirayaa iyana madaxwaynaha Somaliland iyo Golaha Guurtida iyo hay’adaha ay khusayso muddo kordhintu, sidaynu ognahay baarlamaankan imika fadhiyaa waxa uu fadhiyaa muddo kabadan 12 sanno marwalbana waa la kordhinayaa, sidaa awgeed mar haddii maanta kordhin imanayso waa in la iswada raaciyaa madaxwaynaha iyo ta baarlamaanka muddo kufilana lawada kordhiyo ama la soo horaysiiyo ta baarlamaanka siday ukala horeeyeen loosoo kala hormariyo”.

Isagoo hadalka siiwatana waxa uu intaasi raaciyay “waxaan jecelahay inaan halkan baaq uga diro dawlada iyo dhamaanba shacbiga Somaliland oo aan ugu baaqayo in dadkeenu intay wax walba iska dhigaan aynu samato bixinyo dadkeena abaaruhu hayaan ayaa la  inooga wada baahanyahay, xaaladu waxay maraysaa meel khatara xili doorasho la soo hadal qaadana majoogno, laakiin in la qorsheeyo doorashada xiligeeda oo kutala galkeeda mustaqbal laseeyo marna lawada qabto labada doorashabo si dhaqaalaha kukala baxay labada doorashano inoogu badbaado” ayuu yidhi.

Doorashada ayaa lagu wadaa in dalka ka qabsoonto sanadkan gudihiisa haddii aanay abaarta dalka ka jirtaa aanay saamayn ku yeelan oo ayna muddo kordhini iman.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews