berberatoday.com
“Haddii Dadka Ka Soo Jeeda Iyo Murashaxa Xisbiga WADDANI, Ay Ka Rabaan Shaxaad Ganacsadaha SOMCABLE Dariiqan, Dariiq Aan Aheyn Inay U Soo Maraan Ayey Aheyd..”Sahra Halgan
January 8, 2017 - Written by Berbera Today

“Illaahay baan idinku dhaarshee ma xaqbaan hadalada dad aqoon yahano sheeganaaya inay af-qabyaaladeed ku hadlaan….” Fanaanada Sahra Halgan
sahra-halgan-cirro

Hargeysa(Berberatoday.com)-Fannaanada Sahra Halgan, ayaa ku eeddaysay murashaxa jagada madaxweynaha xisbiga waddani iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beesha xisbigaasiba in sheexaad ay ka doonayaan ganacsadaha SAMCABLE, Maxamed Aw Siciid Geedi, isla markaana waxay difaacday taageerida murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi. “Illaahay baan idinku dhaarshee ma xaqbaan hadalada dad aqoon yahano sheeganaaya inay af-qabyaaladeed ku hadlaan? Carruurtii iyo ubaxii dalka Somaliland ayey dhagihii ka wasakheeyeen. Anigu kuwan aqoon yahano uma aqaano. Jahli u adeegayaal weeye. Anigu mid baan fahmi waayey, waxaad arkaysaa dad dam ah oo bii (B.J), iyo ja toona kala saarayn oo sheeganaaya aqoon yahan iyo indhagarad.”Sidaa waxay ku sheegtay qoraal kooban nuqul ka mid ah oo soo gaadhay Iimeelka xafiiska wararka Wakaalada Baraarugnews.com ee Hargeysa.s6430271

Sahra Halgan oo arrimahaa ka sii hadlaysa waxa ka mid ahaa hadalkeedii sidan:-“Anigu kolkaan eegay waxaan ogaaday in magacyada ku talo gal loo adeegsado oo loo yidhaahdo bal kan dhagaysta aqoon yahanka sheeganaaya, looguna joogsado. Samcable intay dalka u qabatay, umaydaan qaban ragga aqoon yahanada isku sheegayow, af qaawan baad la soo taagan tihiin. Qofka ganacsadaha ah xaq buu u leeyahay innuu taageero xisbiga uu doono oo uu maalkiisa ku shubo xisbiga uu doono. Gacansadaha ina Aw-siicid xor ayuu u yahay innuu taageero murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, maalkiisa iyo lacagtiisana ku shubo ee illahay ayaa siiyey eel agama xumaado. Haddii dadka ka soo jeeda iyo murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro, ay ka rabaan Ina Aw-siciid sheexaad dariiqan, dariiq aan aheyn in loo soo maro oo caadi loo waydiisto ayey aheyd ee ma haboona in ragga xisbiga waddani sheeganaaya inay wax ka sheegaan Ganacsadaha Maxamed Aw-siciid ee Samcable. ” ayay tidhi Marwo Sahra Halgan

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews