“KULMIYE, Wuxuu Rayaale Ku Eedayn Jiray Xukuumad Wasiiro Badan, Laakiin Maanta Waa La Arkaa In Tiradii Wasiiradu Xadka Ka Baxday” Xildhibaan Cabdiraxmaan-xoog
January 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale Kaahin Madaxweynaha ka ahaa inay waxyaabo badan kaga wanaagsanayd Xukuumaddan, waxaanu tilmaamay in waxyaabo badan oo ay Xukuumaddan Kulmiye ku dhaliili jirtay Xukuumaddii UDUB, inay iyana sameeyso.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay in aanay Xukuumadda ka yeeli doonin muddo kordhin timaada oo bilaa sabab ah, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo is barbar dhig ku sameeynaya Xukuumaddihii hore iyo Xukuumadan “Kulmiye markii uu ahaa Mucaaradka, wuxuu Xukuumaddii UDUB, ee Daahir Rayaale Madaxweynaha ka ahaa ku canbarayn jirtay waxyaabo badan oo ay ka mid tahay Xukuumad Wasiiro badan, waxayna ku ololayn jireen “Waxaanu dhisi doonaa haddii aanu taladda dalka ku guulaysano, Xukuumad tiro yar balse tayo badan”, laakiin maanta waxaynu arkaynaa in Wasiiraddii, Wasiir ku xigeenadii, Wasiirul Dawlayaashii iyo Agaasimiyaashii ay tiro baleen, oo ay xadka ka baxeen, waxaynu arkaynaa in Hay’addihii Dawliga ahaa iyana tiro baleen, waxayna arkeen in La Taliyayaashii Madaxweynuhu ay tiro baleen, waxaynu ogeyn in Daahir Rayaale uu isku shandhayn aad u kooban u sameeyey, balse isku shandhayna uu Axmed Siillaanyo sameeyey xadkay ka baxday, xadhkahana wey go’astay,waxaanu ogeyn in Daahir Rayaale isku shandhaynta uu sameeynayo aan la sii ogaan jirin balse isku shandhaynta Xukuumaddan suuqyada ayaa laga sii ogaada, waxaanu ogeyn in Daahir Rayaale aanu wali xilka ka wada qaadin Wasiir, Wasiir ku xigeen iyo Agaasime Wasaarad qudha wada jooga, oo mid ayuun buu xilka ka qaadi jiray, balse hadda waxaynu aragnaa in Wasaaraddo badan xilkii mar qudha laga wada qaaday Wasiirkii, Wasiir ku xigeenkii iyo Agaasimihii, xilka qaadista noocan oo kalena uma wanaagsana nidaamka dawladnimo, maxa yeelay xogtii Wasaaradda ayaa lumaysa, waxaanu ogeyn in Wasiir ama Masuul uu Daahir Rayaale xilka ka qaaday in aanu odhan jirin waxaad tahay xil suge, balse maanta waxaynu aragnaa in Wasiiro ama Masuuliyiin xilal laga qaaday inay mushaharka qaataan oo ay xilal sugayaal yihiin, waxaynu ogeyn in Daahir Rayaale tiraba afar Doorasho oo si nabadgalyo ah u dhacay inuu qabtay, balse waxa marag ma doon ah in Xukuumaddan Doorasho qudha oo ay dalka ka hirgalisay in dhiig ku daatay”.