berberatoday.com
Madaxtooyadda Oo Mudanayaasha u Dhego-nugul Ka Codsatay Inay Nashqadeeyaan Istiraatiijiyaddii Labada Gole Baarlamaan Lagu Jiidhsiin Lahaa Saldhigga Imaaraadka Berbera
January 8, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqalka madaxtooyada Somaliland, ayaa waxa maalmihii ugu dambeeyey ka socday shirar qarsoodi ah oo ay qaar kamid ah masuuliyiinta qasrigu kula qaateen xubno kooban oo kamid ah mudanayaasha aqalka wakiillada Somaliland, waxana sida aanu xogo muhiim ah ku helnay xildhibaanada laga codsaday inay ka hawlgalaan sidii xubnaha labada aqal looga dhaadhicin lahaa ansixinta saldhigga dawladda Imaaraadku ka damacsan tahay marsada Berbera.
madaxtooyada

Xogaha nasoo gaadhaya, ayaa intaas ku daraya in xubnaha lala shiray ay ahaayeen kuwa ugu dhegaha nugul mudanayaasha aqalka wakiillada ee inta badan lasoo marsiiyo rabitaannada madaxtooyada kasoo baxa ee golaha ku wajahan, waxana halkaas lagu gorfeeyey sidii istiraatiijiyad midho-dhal ah loogu samayn lahaa damaca madaxtooyada ee la xidhiidha sidii ay saldhiggaas bixintiisa u ansixin lahaayeen.

Tallaabooyinka shirarka qarsoodiga ah lagula gelayo xubnaha xildhibaanada ah, ayaa waxa dabada ka riixaya xubno kooban oo aqalka madaxtooyada awood badan ku leh, kuwaas oo ay kamid yihiin safiirka Somaliland ee Imaaraadka Md. Baashe Cawil oo isagu ah maskaxda soo nashqadaysay bixinta saldhigga la doonayo in dalka Imaaraadka laga siiyo magaalada Berbera, isla-markaana hore dhisay qoshihii heshiiska lagula galay shirkadda DPWorld oo lacago Malaayiin Dollar ah laga qaatay, Wasiirka Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo weliba saraakiil kale oo inta badan ujeeddadoodu tahay sidii ay dheef uga heli lahaayeen lacagaha aan cadadkooda la garanayn ee laga Imaaraadka Carabta laga heli doono haddii Saldhiggaas loo ansixiyo.

Warku waxa uu intaas ku daray in xubnaha xildhibaanada ah ee shirarkaas lala galay ballan qaadeen in muddada kooban ee goluhu fasaxa ku jiro ay aqlabiyadda golaha ka dhaadhicin doonaan inay meel mariyaan bixinta Saldhigga imaaraadka loogaga ballan qaaday magaalada Berbera, waxana la isla gartay oo la nashqadeeyey sidii barnaamijkaas loo meelmarin lahaa, iyada oo loogu ballan qaaday dhammaanba wixii kharashaad ah ee ay hawshaasi u baahan tahay.

Doodaha iyo diidmada ka dhanka ah olalaha madaxtooyadu ugu jirto meelmarin Saldhigga Imaaraadka Carabta laga siiyey Berbera, ayaa laga dareemayey goobaha Huteellada waaweyn ee ay xildhibaanadu ku kulmaan, waxana muuqata in sirta madaxtooyadu dibadda usoo baxday, isla-markaana ay jiraan abaabul arrintan ka dhan oo xildhibaanada laftooda ka dhex socdaa.

Sida madaxtooyadu qoondaysatay, waxa la go’aamiyey in mooshinka lagu ansixinayo saldhigga Imaraadku ka calmaday Berbera lasoo horfhigo furitaanka ugu horreeya ee kal-fadhiga golaha wakiillada oo haatan fasax ku jira, waxase soo baxaya mucaaradad ballaadhan oo siyaasiyiinta, xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Saaxil ay kaga soo horjeedaan rabitaankan ku kooban shakhsiyaadka kooban, waxana dadweynaha reer Berbera weli maskaxdooda kasii dhex guuxaya mashruucii DPWorld oo si muran badan loo mariyey golaha wakiillada.

 

 

Xigasho Mandheera.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews