berberatoday.com
Suldaan Wabar Oo Dhaq-dhaqaaqyo Cusub Ka Bilaabay Xuduuda U Dhaxaysa Somaliland Iyo Itoobiya, Taliyaha Booliska Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay
January 8, 2017 - Written by Berbera Today

Boorama(Berberatoday.com)-Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo maalmihii u danbeeyey la sheegay inuu dhaqdhaqaaqyo cusub ka wado xadka somaliland iyo Itoobiya ay ka wadaagaan dhinaca gobolka Awdal ayaa la sheegay in uu dib uga laabtay halkaasi oo uu ku noqday deegaanka Jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya.
suldaan-wabar

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Ganeral Xasan Ismaaciil “Gacmo-yare” ayaa ka hadlay halka uu wakhti xaadirkan ku sugan yahay Suldaan Wabar iyo dhaqdhaqaaqyada la sheegay inuu ka wado deegaano ka tirsan gobolka Awdal,waxaanuu sheegay in uu jiro Imaatinka Suldaan Wabar balse aanu soo galin Somaliland gudaheeda.

Taliye Gacmo Yare oo isaga oo ku sugan magaalada Lughaya khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Saxan-saxo ayaa waxa uu sheegay in Suldaan Wabar uu ku laabtay dhinaca dalka Itoobiya isla markaana aanu usoo gudbin dhinaca Somaliland.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Awdal Gen Xasan Ismaaciil Gacmo Yare oo ugu horeyn aanu waydiinay dhaqdhaqaaqyada Suldaan Wabar ee la sheegay waxa uu ku jawaabay

“Hadda waxaan kaala hadlayaa Meesha la yidhaahdo Lughaya oo aanu joogaa,meelo kalena waa soo maray ninkaas odayga ah ee aad sheegayso ma jirto meel uu ka joogo magaalada Borama iyo xuduuda Somaliland toona,manajirto ciidan uu ururinayaa,muddo dhexdaas ah xuduuda Itoobiya waa lagu sheeg sheegayay laakiin marnaba uma soo gudbin xuduuda Somaliland iyo Borama toona ,mana ogin mana maqal wax ciidan ah oo uu ururinayo,dadka awdal degenna iyaga ayaa nabada jecel oo iyaga ayaa noo soo warama umana jeedaan wax dhibaateeya iyo Suldaan Wabar toona”

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi

“Muddo hore waanu maqalnay inuu joogay xuduuda Somaliland iyo Itoobiya u dhaxaysa ee gobolka Awdal oo dhinaca Itoobiya ah ilaa tobaneeyo cisho ka hor ayay ahayd laakiin”

Taliyaha mar la waydiiyey in ay jirto cid aragtay suldaan Wabar wakhtigii uu ku sugnaa xadka Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxa uu ku jawaabay sidan

“Kolay xuduuda kama soo gudbin laakiin dadka jooga dhinaca Itoobiya way cadaynayeen wax se hor fadhiistay oo ujeedooyinkiisa nooga soo waramay ma jiraan”sidaas ayuu yidhi.

Taliyaha ayaa sidoo kale mar la waydiiyay safarka uu hadda ku joogo magaalada Lughaya inay la xidhiidho maqalka dhaqdhaqaaqyadan Suldaan Wabar ayaa waxa uu ku jawaabay

“May wax dhibaato ah ma jiraan oo aanu dareenay waa shaqadayadii caadiga ahayd ayuunbaanu wadanaa hadana oo aan u joogaa Lughaya”

Taliyaha oo hadana wax la waydiiyey xaalada amaan ee gobolka Awdal ayaa waxa uu kaga jawaabay

“Xaalada gobolka Awdal waa nabad galiyo hadda,shacabkana waxaan leeyahay oo waliba ay caan ku yihiin nabad galiyada,gobolada kale oo dhan ayaa soo maray waxay haysaan nabadgaliyo aanay gobolada kale haysan,waana gobolka ugu nabad galiyada badan,waana ugu mahadnaqaynaa in ay halkaasi kasii wadaan”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay taliyaha booliska gobolka Awdal Gen Xasan Ismaaciil.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews