berberatoday.com
80-Jirka Haakaha Suggaha Xilka Madhan ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Muxuu Jamaal Cali Xuseen ka Sheegi Karaa Maanta Afar-sanaadood Ayuu Ka Hadli Waayey Duudsigii iyo Dulmigii Lagu Hayey….
January 9, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo muddo labaatan sanno ka badan kusoo jiray golaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ku suntanaa wax ma tarayaashii dhalan roggay sharciyadda Dalka u yaala, ayaa todobaadkan isagoo ku qanaacsan Xilka madhan ee Fadlan kor-u- hayda ah, ee Xisbiga Waddani kaga Kireeyey Buudhiga faaruqa ah, waxa uu dalka Uk kaga qaybgalay munaasibad Xisbiga waddani kusoo dhoweynaayey Masuuliyiin iyo taageerayaal ka tirsanaa garabkii jamaal cali xuseen ee Xisbigii New Ucid oo kusoo biiray Xisbiga Waddani.
Waxa uu Xildhibaanku madashaa ka sheegay hadal ku cusub dhaqanka Siyaasadda Somaliland, isla markaana aan looga baran siyaasi lamid ah siyaasiyiinta isku sheega Ruug Cadaaga. Waxanu Xildhibaanka Da”diisi ka weyn tahay 80-ka sanadood ee Haakaha sugga Xilka madhan Md. Cabdiqaadir Jirde weedho milgaha ka araadan ku weeraray Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo muddo afar sanadood ah ay Xukuumadda iyo Xisbiga madhan ee uu ka tirsan yahay ku qaadeen weerar arxan darro ah, isla markaana xuquuqdiisii musharaxnimo ay waaxyaha garsoorku ku sameeyeen cadaalad darro aanay ka hadal kan dhaliilaya iyo kuwii lamidka ahaa.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde muddo afar sanadood ah, daawade ka ahaa duudsigii iyo dulmigii lagu samaynaayey jamaal cali Xuseen oo aanu maalin keliya ka hadli, muxuu maanta ku aflagaadeynayaa, miyaaanay arrintaasi ahayn gef iyo meelka dhac aan loo aabo yeelin. 
Duudsigii Musharraxnimo ee Jamaal Cali Xuseen iyo go’aankan uu maanta qaatay, cidda kaga soo horjeesan kartaa ama’se ku dhaliili kartaa waa Nin gashaday tacab iyo talo, waana qof ka gilgishay dulmigii lagu samaynaayey. 
Waxanaanu leenahay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde afkaad shalay ugu hiilin wayday xuquuqduu lahaa Jamaal Cali xuseen Maanta waxba kagama sheegi karti go’aankiisa waanu ku saxsan yahay. Xildhibaan Cabdiqaadir waxa uu amaanay jamaal Cai Xuseen aabihii Muj. Cali Xuseen, waxanu sheegay inuu ahaa geesi lagu daydo, waxanan uga marag marag furaynaa inuu halkaa run ka sheegay, laakin waxaan u sheegaynaa xildhibaanka in aanu waxba gashan jamaal cali xuseen, maantana waa uu ku qiimeyn lahaa hadii waddani wax gashan lahaa jamaal cali xuseen kana gilgilan lahaa dulmi iyo duudsigii lagi sameeyey…..la soco.
Xigasho Xogreebnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews