berberatoday.com
Hargeysa:Wasiirro Goob Kula Cunteeyey Carruur Darbi-jiifka Ahaan Jiray Oo La Geeyay Goob Lagu Daryeelayo
January 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubno wasiirro ka tirsan golaha xukuumadda Somaliland, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo wehelinayey, ayaa goob kula cunteeyey carruur fara badan oo ka mid ah kuwa darbi-jiifka ah ee ku dhaqan dalka.
Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Diinta iyo Awqaafta – Maxamed Cabdillaahi Obsiiyey iyo Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo weliba Wasiiru-dawlaha iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, xildhibaan ka tirsan Golaha Degaanka Caasimadda iyo xubno kale, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarunta lagu daryeelo carruurta darbi-jiifka, xaafadda Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa shalay, taas oo ay gacanta ku hayso Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
Masuuliyiintan oo kormeerkooda ugu kuurgalayey xaaladda ay ku sugan yihiin carruur sida la sheegay tiradoodu ku dhawdahay boqol wiil iyo gabdho laga ururiyey suuqyada iyo goobo ka mid ah magaalada oo ay si daranyo leh ugu noolaayeen, iyagoo halkaasi kula wadaagay carruurta casuumad qado ah oo loo sameeyey, isla markaana kala sheekaystay noloshooda iyo baahiyaha dareemayaan.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Md. Maxamed Cabdillaahi Obsiiye, ayaa ka warramay xaruntan daryeelka Maxamed Mooge iyo hawsha xukuumaddu ka hayso, waxaanay ugu baaqeen hay’adaha caalamiga ah, kuwa samofalka iyo ganacsatadaba inay doorkooda ka qaataan taakulaynta iyo wax-u-qabashada ubadka ku jira ee baahan.
“Carruur intan saddex ama afar jeer laab ka badan ayaa suuqyada magaalooyinka iyo Gobollada ku dambeeya, kuwaas oo habayaraatee aan wax daryeel ah haysan, sidaa daraadeed waxaan Wasiir ahaan halkan baaq uga dirayaa hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan kuwa Islaamiga ah sida Kuwait Fund, Qatar Charity iyo kuwa kale ee Waddanka inala jooga oo aan ku ammaanayo hawsha ay ka qabteen xarumaha carruurta lagu xannaaneeyo ee ay dhiseen, isla markaana ay damaanad qaadeen wixii baahi ah ee xarumahaasi qabaan, waxaan ku guubaabinayaa inay hawshaas wanaagsan halkaasi ka sii wadaan.” Sidaa waxa yidhi Wasiir Maxamed Cabdillaahi Obsiiye.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isna sheegay inuu markhaati ka yahay in ubadka lagu hayo xaruntani ay yihiin kuwo mustaqbalka wax weyn ka beddeli kara nolosha mujtamaca, waxaannu ku ammaanay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada tabantaabada iyo daryeelka joogtada ah ee ay carruurtaasi siiso.
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) iyo xildhibaan Mubaarik Cabdi Malow oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, ayaa kormeer ku tagay goobaha ay sugan yihiin carruurta darbi-jiifka ah ee ku tabaalaysan suuqyada caasimada Hargeysa, waxaanay sheegeen in dhawaan laga ururin doono carruurtan suuqyada, isla markaana la gayn doono xarunta dhaqan-celinta iyo daryeelka ee Maxamed Mooge.
Berberatoday.com
COMMENTS
|