berberatoday.com
Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Dib U Soo Faqay Uttunno Colaaddii Sokeeye Ee Laga Soo Doogey, Cid Gaar Ahna Farta Ku Fiiqay
January 9, 2017 - Written by Berbera Today

“Muuse waatii aanu is-qabanay 1994-kii, waxaanuna isku haynay Maryo-Alool iyo Federaal. Annagu ka hadhnay Federaalkii, laakiin Muuse waxaad mooddaa inaanu weli ka baaba’in Cadaawaddii iyo Nacaybkii…….” Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Reer Somaliland ee ka soo laabtay Dalka Soomaaliya isla-markaana imika ka mid ah Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in aanay Suurto-gal ahayn in Doorashada Madaxtooyada la qabto Xilligii loo qorsheeyay ee ahaa bisha Saddexaad ee Sannadkan, maaddaama buu yidhi ay Dalka ka jiraan Abaarro Sababay in Dadkii Reer guuraaga ahaa ay ka hayaamaan deegaannadii laga diwaangeliyey, si ay hadhow uga codeeyaan.

Warka 1-aad (23)Mr. Buubaa oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in Xilligan aan loo baahnayn in la yidhaahdo waxa la qabanayaa Doorashada, ee loo baahan yahay in laga wada hadlo in Doorashada la qabto Xilli aan ahayn kii ay hore ku muddeysnayd, waxaanu eedaymo u jeediyay Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo uu sheegay inuu doonayo in Doorashada xilligeeda la qabto.

Ismaaciil Hurre Buubaa oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Haddii la yidhaahdo Doorashada waxa la qabanayaa Bisha Saddexaad Suurto-gal maaha, waxay ila tahay in looga wareego oo la yidhaahdo ‘Goor maa la qabanayaa doorashada’ ? oo laga wada-hadlo.”

Buubaa oo hadalkiisa sii wataa, ayaa sheegay in Cidda doonaysa in Doorashada xilligeeda lagu qabto aanay u naxayn Shacabka Abaareysan, “Dadka Maanta ku Dacwiyaya in bisha Saddexaad doorashada la qabto, iyadoo aynu ognahay dhibaatada Waddanka ka jirta, waa Cid aan u naxayn oo aan u tudheyn Dadweynaha Somaliland.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Anigu aad iyo aad baan ugu taageerayaa labada Xisbi ee isku raacay Arrintaa (In dib loo dhigo Doorashada).”

Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta Miisaanka leh ee WADDANI, ayaa muujiyey in isaga iyo Xisbigiisu ay olole ka dhiganayaan in Xilli Abaari jirto uu Xisbiga KULMIYE doonayo in Doorashada Xilligeeda la qabto, “Dadka reer Somaliland waxaan kula talinayaa in Arrintaa si xoog ah loo taageero, lagana waaniyo Xisbiga KULMIYE ee moodaya inuu Dadkaa tabaaleysan awgood wax ku helayo.”ayuu yidhi, isagoo Shacabka ku jeedinaya Xisbiga KULMIYE oo ku eedeeyay Xisbul-xaakimka inuu doonayo in doorashadu dhacdo Dadkii oo ka maqan goobihii ay ka codeyn lahaayeen, “Xisbiga talada hayaa sidaa uu imika Hantidooda u boobayo Dadka ayuu u doonayaa in Doorashadu dhacdo Dadkii oo ka maqan meelihii ay Codkooda ka dhiiban lahaayeen.”

Dhanka kale, Ismaaciil Hurre Buubaa oo la waydiiyey sababta keentay inay isaga Iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay SNM ka wada tirsanaayeen isku aragti ka noqon waayaan Siyaasadda, ayaa ku jawaabay, “Dadku waxay kala yeelan karaan Aaraa kala duwan, waana waxa loo sameeyay Doorashooyinka Xalaasha ah ee lagu kala qaato xukunka, laakiin Muuse waatii aanu is-qabanay 1994-kii, waxaanuna isku haynay Marwo-Alool iyo Federaal. Annagu ka hadhnay Federaalkii, laakiin Muuse waxaad mooddaa inaanu weli ka baaba’in Cadaawaddii iyo Nacaybkii Dadku, markaa inkastoono ka hadhnay (Federaalkii) Dadkii aanu is-haynay kamay hadhin Aragtidoodii Guracnayd.”

Mr. Buubaa waxa kale oo uu hadalkiisa ku soo daray in Midnimada Soomaaliya iyo Somaliland ay ka hirgeli la’dahay dhinaca Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Illaa 2007-dii waxaan Anigu arkayey inaanu shaqeynayn fikirkaasi (Midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya), Sababta ugu weyna ee uu ka shaqeyn kari la’yahay Fikirka Midnimada Soomaaliyeed maaha dhinaca Somaliland, ee waa dhinaca Koonfurta, waxaanan Arkay Arrinkaa markii aan Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya ahaa. Markii Baasaaboorka la samaynayey waxaan aad uga soo horjeedsaday Magacii lagu qorayey Baasaaboorka oo ahaa ‘Dawladda Federaalka Soomaaliya’, waxaan ku idhi wakhtigaa waynu midownay ee maxaad kiinana u sheegaysaan kaayagana meesha uga saareysaan.? Waxaan ku idhi Baasaaboorka ha lagu qoro ‘Dawladda Federaalka Soomaaliyeed’. Markaa illaa Xilligaa waan arkayey inay si khalad ah wax uga socdaan dhinaca Koonfurta, markii horena waxaanu meesha u tagnay inaanu wax ka qabano dhibaatooyinkaa jira. Laakiin waxa ii caddaatay in la sameeyo laba Dawladood oo Walaalo ah oo wax wada qabsan kara, laakiin taasi maaha Cadaawad baan u hayaa dhinaca Soomaaliya.”

Hadallada uu Buubaa ku wareerray Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku soo beegmaya Toddobaad uu ka dib, markii Madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland ay isa soo hor-fadhiisiyeen Muuse Biixi iyo Guddoomiyaha WADDANI isla-markaana lagu heshiiyey in la joojiyo hadallada Xanafta leh ee keeni kara nacaybka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews