Roob Lagu Qabowsaday Oo Ka Hooray Degmada Xudur Oo Katirsan Somaliya Iyo Nawaaxigeeda
January 9, 2017 - Written by Berbera Today
Xudur(Berberatoday.com)-Roob lagu qabowsaday ayaa ka hooray degmada Xudur iyo nawaaxigeeda halkaa oo dhawaan abaar ba’an ay ku dhufatay.

Maadaama qeybo badan oo dalka Soomaaliya ah ay wali abaari ka jirto roobabna aysan ka da’in, waxaa degmada Xudur haatan usoo hayaamay reer miyi badan. Dadkaa ayaa ka yimid gobolada Baay, Hiiraan, Gedo iyo qeybo kale oo Soomaaliya ka tirsan.