berberatoday.com
Somaliland: Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Iyo Booliiska Oo Wada-jir U Bilaabay Hawl-gallo Lagu Dhimayo Shilalka Gaadiidka
January 9, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ka dib, markii Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Somaliland ay qiimayn ku sameeyeen Shilalkii Sannadkii hore ka dhacay Somaliland, isla-markaana ogaadeen in Shilalkii Dalka ka dhacay 2016-ku ay ka badan yihiin kuwii Dalka ka dhacay Sannadkii 2015-ka, ayaa waxay Booliisku ka bilaabeen Guud  ahaan Magaalooyinka Somaliland Hawl-galo lagu eegayo Liisamada Dirawaliinta Gaadiidka, Buugga Gaadhiga, Xawaaraha Gaadhigu ku socdo, Turusyada Gaadiidka ku xidhan iyo Hoonka dheer ee Gaadiidka.

Warka BooliiskaSidaana waxa ku dhawaaqay Afhayeenka Ciidammada Booliiska, ahna Taliyaha Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, waxaanu yidhi, “Maanta oo ay Taariikhdu tahay 8 bisha koowaad, 2017-ka (Shalay) Ciidammada Nabadgalyada Waddooyinka oo kaashanaya Ciidamada Booliiska Somaliland waxay Hawl-gal ballaadhan ka bilaabi doonaan dhammaan Gobollada Somaliland, gaar ahaan Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex, Gabiley iyo Togdheer, Hawl-galkaa waxa lagu qab-qaban doonaa Gaadiidka Xawaaraha dheer ku socda, Gaadiidka sita Turusyadii la Mabnuucay, Hoonka dheer ee Magaalooyinka Gudahooda lagu Garaaco, Dhaafidda Gaadiidka ee keena Shilalka aadka u badan, Liisan la’aanta, Buug la’aanta iyo kuwa aan sharciga lahayn,Sababtoo ah Waxaad la socotaan in Shilalkii aad iyo aad u bateen 2016-dii, iyadoo taa laga duulayo Taliska Ciidammada Booliisku waxay amreen in gobollada Dalka oo dhan laga sameeyo Hawl-galkaasi.”

Ciidammada Taraafigga oo kaashanaya kuwa kale ee Booliiska, ayaa Magaalooyinka ay Hawl-galkaasi ka bilaabeen waxa mid ah Hargeysa, waxayna Subaxdii hore baadhitaannadaasi ka bilaabeen Kaantaroollada bariga iyo Galbeedka ee Hargeysa, halkaasi oo ay ku qabteen Gaadiid faro badan oo aanay u dhamaystirnayn Shuruucdii looga baahnaa.

Taliyaha Guud ee Ciidammada Booliiska Somaliland Sareeye Guuto Cabdillaahi Fadal iimaan oo kormeer ku soo maray Kantaroollada bariga iyo Galbeedlka ee Hargeysa intii hawl-galka Taraafiggu socday, ayaa Warbaahinta u sheegay, “Dadkeennii waxa dhameeyay Shil, markaa waxaan Shacabka Somaliland iyo wadayaasha Baabuurta u dirayaa in la ilaaliyo nidaamka Waddo-marista. Waxa Wadayaasha ka mabnuuc ah Telefoonka Gacanta (in lagu hadlo Xilliga Gaadhigu Jidka ku jiro), waxa Mabnuuc ah Gooladaha khaldan ee la isku dhaafayo, waxa Mabnuuc ah in Dirawalka haysta Liisanka Gaadhiga yar uu kaxeeyo Gaadhiga weyn.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray Taliyuhu, “Hawshani waxay ka bilaabantay dhammaan Gobollada Dalka, mana aha hawshani mid joogsanaysa.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews