berberatoday.com
Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Arrimo Ay Ka Mid Yihiin Kulammadii Ay Saddexda Musharrax La Qaateen Iyo Arrinta Doorashada.
January 11, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay warar ay warbaahinta qaar qoreen oo sheegaya natiijada dadkii iska diiwaan geliyey Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland ee diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ee sannadkii hore la qabtay.

komishanka-iyo-asxaabta

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland Siciid Cali Muuse ayaa sidoo kale ka hadlay kulamadii ay la yeesheen Sadexda Xisbi qaran iyo wararka sheegaya in ay dib u dhacayso doorashada madaxtinimada eek u mudaysan bisha sadexaad ee sannadkan socda.

Siciid Cali Muuse oo ugu horrayn aanu wax ka waydiinay tirooyinka la baahiyey ee lagu sheegay dadkii iska diiwaan geliyey Gobolada dalka in ay jiro iyo in kale waxa uu yidhi “Anagu waxba maanaan sheegin anagu wax aanu shaacinay ma jirto oo natiijo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha ah, wax aanu warbaahin u dirnay ama aanu cid la wadaagnay ma jirto” ayuu si kooban u sheegay Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse.

Afhayeen Siciid Cali Muuse oo aanu waydiinay kulankii ay la yeesheen Xisbiyada iyo in ay dib u dhacayso doorashadu waxa uu ku jawaabay “Anaga hawlahayagii sidii ayey noogu socdaan oo hawlihii kaadh qaybinta iyo hawlahayagii kaleba sidii ayey noogu socdaan wax dhib ahina ma jiraan, wax gab ah oo nagu yimidna ma jiro mar walbana waxaanu ku soconaa jadwalkii ahaa in doorashadu ku dhacdo wakhtigii loogu talo galay ee bisha sadexaad ee sannadkan, jadwalkii aanu dhignay ayaanu ku soconaa kaadh qaybintuna way bilaabmaysaa oo way soconaysaa laakiin hawlo kale oo badan ayaa ka horreeya”

Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka Somaliland oo aanu waydiinay wakhtiga ay bilaabayaan kaadh qaybinta waxa uu sheegay in aanuu ka jawaabaynin hadda, isla markaana uu ka gaabsaday in uu sheego wakhtiga ay rasmiga ah ee ay bilaabayaan qaybina kaadhadhka codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland waxaanuu yidhi “Wakhtiga ay bilaamayso qaybinta kaadhadhka codbixintana kaagama jawaabayo hadda”.

Siciid Cali Muuse oo aanu waydiinay sida ay macquulka u tahay in kaadhadhka la qaybiyo maadaama oo ay dadkii miyigu ka guureen in badani goobihii ay degenaayeen, waxa uu sheegay in aanu arrintaas ka jawaabaynin waanu ka gaabsaday su’aashaas jawaabteeda.

 

 

 

Xigasho: Saxansaxo

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews