Diyaar-Garoowgii Ugu Danbeeyay Ee Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Oo Socta
January 11, 2017 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar-garoowgii ugu danbeeyay doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu wado in ay dhacdo 11bishan Janaayo oo ku beegan maalinta berri ah.

Doorashadan oo noqoneysa mid xiiso gaar ah leh marka la eego musharixiinta ku hardamaya ayaa guddoomiyaha baarlamaanka waxaa u taagan oo isku arki doona xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, Prof Max’ed Cismaan Jawaari, C/fitaax Max’ed Ibraahim (Geeseey) iyo Idiris Aadan Dhakhtar.