berberatoday.com
Maamul-goboleedka Galmudug Oo Maamuus Ka Xayuubin Ku Sameeyey Madaxweynahoodii+ Xafiiska Madaxtooyada Oo ganafka Ku Dhuftay Xil ka qaadistiisa
January 11, 2017 - Written by Berbera Today

Cadaado(Berberatoday.com)-Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa galabta codka kalsoonida waxa ay u qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed oo horey mooshin looga gudbiyay.

Kulanka Baarlamaanka Galmudug waxaa soo xaadiray 54-Xildhibaan waxaana shir gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka maamulkaasi Xareed Cali Xareed, waxaana ajandaha kulanka uu ahaa kalsooni kala noqoshada Madaxweynaha Galmudug.

baarlamaanka-galmudug-1Kadoodista Mooshinka kadib ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudg waxa ay cod u qaadeen Mooshinkii laga soo gudbiyay Madaxweyne Cabdi Kariin Xuseen Guuleed, waxaana Baarlamaanka cod gacan taag ah ugu codeeyeen in ay kalsoonida kala noqdeen Guuleed.

Xildhibaan Cabdikariin Cumar Axmed oo katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa noo sheegay in dhamaan Xildhibaanada 54-ta ah ay u codeeyeen in kalsoonida kala noqdaan Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Ciidamo katirsan Maamulka Galmudug ayaa ku fashilmay in ay baajiyaan kulanka Baarlamaanka ee maanta Kalsoonida lagala noqday Madaxweyne Guuleed, waxa ayna Ciidamada goor sii horeesay isku hareereeyeen guriga Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanaka si uusan kulanka u furmin.

Madaxweynaha Galmudug ee maanta waayay kalsoonida Baarlamaankii horey u soo doortay ayaa la ogeyn go’aanka uu qaadan doono, waxaana laga yaabaa in uu diido go’aanka ay maanta gaareen Baarlamaanka Galmudug.

cabdikariim-xuseen-guuleed-768x424

Dhinaca kale War-Saxaafadeed goordhawayd kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa lagaga soo horjeestay Kalsooni kala noqoshadii Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug maanta ku sameeyeen Cabdikariin Xuseen Guuleed.

War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay mid sharci daro ah Go’aankiii ay Baarlamaanka maanta kalsoonida kala noqdeen Xildhibaanada Galmudug, waxaana lagu sheegay Warkan in aysan marnaba aqbaleyn waxii kasoo baxay Kalankii Baarlamaanka.

War- Saxaafadeedka kasoo baxay Galmudug ayaa u qornaa sida tan.

Dowlad Goboleedka Galmudug waa Dowlad Goboleed hay’ada heeda dowligaa ay ku dhisan yihiin sharci iyo dastuur ay sameysteen dadweynaha reer Galmudug.

Maamulka Galmudug wuxuu u taagan yahay inuu ixtiraamo kuna shaqeeyo sharciyaddaas iyo Dastuurka ay dadka reer Galmudug sameysteen, waxa kasocda Goobta Badbaado lagu magacaabo waa mid sharci darro ah kana baxsan Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug, maxaa yeelay kalfadhi rasmi ah oo Baarlamaanku leeyahay oo furan majiro, sida kucad warmurtiyeedka uu soo saaray 5tii Jan, 2017.

Hadaba, waxaa u arkeynaa waxa maalmihii lasoo dhaafay ay wadaan qaar kamida xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay tahay fawdo, sharci darro lagu sameynayo Dowlad Goboleedka Galmudug.

Hadaan nahay maamulka Galmudug ma aqbalayno mana aqbali doonno wax walba oo kasoo baxa Goobta lagu magacaabo Badbaado.

Xafiiska Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews