berberatoday.com
“Nin Wayn Baan Ahaye Mar Haddii La Ii Diiday Inaan Meeshan [Xamar] Iska Sharraxo Inaan Gurigaygii [Somaliland] Tagaa Waa Qasab…”Caydiid Ilkaxanaf
January 11, 2017 - Written by Berbera Today

Muqdishon(Berberatoday.com)-Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare ee Federaalka Soomaaliya Abukaate Caydiid Cabdillaahi Ilkaxanaf, ayaa shaaca ka qaaday inuu u soo jeedo dhinaca Caasimadda Somaliland ee magaalada Hargeysa oo uu iman doono Gurigiisii iyo Reerkiisii oo uu muddo badan ka maqnaa, kol haddii loo diiday inuu isu sharraxo Xildhibaannada Aqalka Sare ama Aqalka Odayaasha ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu quud-darraynayey, sidoo kalena hore looga qaaday xilkii Guddoomiyaha Maxkamadda.

Caydiid Ilka-xanaf oo magaalada Muqdisho oo uu ku sugan yahay wakhtigan shalay ugu warramay Horn Cable TV, ayaa sheegay inaanu Somaliland xil ka doonaynin, balse wixii talo aqooneed iyo waayo-aragnimo ah ee looga baahdo uu kala talin doono Somaliland, hase-yeeshee aanu diyaar u ahayn inuu jago ka qabto; sida uu sheegay.

Waxa uu Ilkaxanaf sheegay inay Soomaaliya muddo dhawr iyo soddon sannadood ah ku qaadan doonto inay soo gaadho halka ay Somaliland gaadhay marka loo eego dhinaca nidaamka dawladnimada iyo doorashooyinka. Waxaanu Sharci-darro ku tilmaamay go’aannada iyo Sharciyada ay soo saaraan Masuuliyiinta dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya ee la baxay Madasha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya, taasoo uu sheegay inaanay Sharciga iyo Dastuurka Federaalka Soomaaliya meelna ka waafaqsanayn oo ay iyaduba sharci-darro tahay.

“Baarlamaanki isagoo soo taagan oo weli jira oo sagaal bilood u hadheen, ayaa la yidhi Madal baa wax maamulaysa. Wax alla waxa doorashada immika socotay lagu maamulay oo dhami sal sharciyeed-ba ma leh, Wallaahi inaanu hal bays oo sharciyeed oo Dastuurkaa aynu dhiganay dhigayaa ku jirin. Wallaahi aniga sida ii muuqata markaad sharciyadda iyo nidaam raacista eegtay markaynu burburnay inaanu waxba ka dhicin, waa fawdo oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Caydiid Ilkaxanaf.

????????????????????????????????????

Ilkaxanaf oo ka hadlaya ballan-qaadyada Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya u taagan, waxa uu yidhi; “Meesha ugu daran ee dhibaataduba ka dhacdaa waxa weeye; markay isa soo sharraxayaan ayey odhanayaan waxaas baan samaynayaa haddii Madaxweyne la ii doorto, mana laha awooddaa, waxa leh awooddaa uu leeyahay waan samaynayaa Golaha Wasiirrada. Qodobka 99-aad ee Dastuurku wuxuu leeyahay, awoodda siyaasadeed ee dalka waxaa leh Golaha Wasiirrada, xataa Raysal-wasaaruhu keligii ma leh, ee Wasiirradaa leh. Musharrax Madaxweyne ayaa isa soo taagaya oo odhanaya saas iyo saas baan yeeli hadda Madaxweynuhu awood Fulineed-ba ma leh.”

“Sidaynu u gaadhnaa halkaas Nidaamka halkan ka jira markaad eegto halkan ka jira hadday sidaa ku socoto halkay qoladaasi (Somaliland) gaadhay si loo gaadhaa Wallee iyo Billee inaanay ka yaraanayn dhawr iyo soddon sannadood.” Sidaa ayuu yidhi Caydiid Ilkaxanaf oo is-bar-bardhigayey siday u kala fogaadeen Soomaaliya iyo Somaliland.

Caydiid Cabdillaahi Ilkaxanaf oo la weydiiyey mar haddii loo diiday inuu isu sharraxo Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana hore looga qaaday xilkii uu muddada dheer hayey ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya inuu hadda Somaliland tegi doono, waxa uu ku jawaabay; “Way u dhawdahay inaan Hargeysa tago, waayo? Nin wayn baan ahay Anigu, haddii la iga diiday inaan meeshii iska sharraxaba, waxaa la ii qaatay inaan Gurigaygii tago, oo Gurigayga wax badan baan ka maqnaa, markaa qasab bay noqonaysaa inaan Gurigaygii tago oo aan Reerkii, Carruurtii iyo Gurigiiba ku noqdo.”

Sidoo kale, Ilkaxanaf oo ka jawaabayey inuu xil ka qaban doono Somaliland marka uu yimaaddo iyo in kale, waxa uu yidhi; “Talo waan siin oo waan u sheegi wax, waayo-aragnimadayda iyo taladayda hadday qaadanayaan waan u sheegi ciddii ii timaadda. Jago kama rabo inaan ka qabto (Somaliland), laakiin la-talin in la ii yimaaddo oo la I yidhaahdo; ‘Caydiidoow maxaa arrintaa laga yeelaa iyo taasi siday tahay?’ Waan samayn doonaa haddii Illaahay yidhaahdo, laakiin, xil kama rabo.”

Caydiid Cabdillaahi Ilkaxanaf, ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Somaliland u dhalatay ee xilalka muddada dheer ka hayey Soomaaliya, isaga oo Xildhibaan Baarlamaan ka noqday Federaalka, isla markaana sidoo kale tobankii sano ee u dambeeyey ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo xilkeeda laga qaaday badhtamaha sannadkii tegay ee 2016-kii.

 

 

 

Xigasho Wargeyska Ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews