berberatoday.com
“Waxa Dalka Taala Duruuf Adag Oon Dadkii Isdiiwaangeliyay 74% Loogu Tagayn Goobahoodii”Xuseen Axmed Caydiid
January 11, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)e Wasaaraddaha Cadaalada iyo Hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid oo haddana ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa sheegay kala duwanaashaha ay ku kala duwan yihiin dhinaca Siyaasada isaga iyo Muuse Biixi, waxaanu tilmaamay in aanu dagaal ama khilaaf gaar ahi aanu ka dhexayn Muuse Biixi iyo isaga balse  aanay isku siyaasad ahayn.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Cadaalada iyo Hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid  oo shalay Warbaahinta u waramay ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada abaareed ee dalka ka taagan, waxanau sheegay in aanay Doorasho wakhtigan dhici Karin maadama ay abaar adagi jirto, waxaanu yidhi “Dalka waxa ka jira abaaro runtii aynaan malaa hore u arag, oo dayrtii inagu bilaabmay, jilaal oo dhamina dambeeyo, xilli dayreedkaa la waayey Roobkii, Gugii horena wuu xumaa, Abaarina ay ka horeeysay guga, intaas oo dhan baa isku keen daba yaal, dabadeed dayrtaas la waayey waxay keentay in jilaal oo dhami dambeeyo oo imika madaxiisi la galay xaalad adag, oo deeganada intiisi badnayd laga barakacay, abaar noocaas ahi wey jirtaa, xilligii Doorashaduna wey ina soo guda galay, oo maanta waxay taagan tahay in kaadhadhkii la qaybiyo, oo goobihii Doorashada la tago oo kaadhadhka dadka loogu qaybiyo,Doorashada muddo ka hor, ololuhu inta aanu bilaabin ka hor in intaa la dhameeyo ayey ahayd, marka waxa taala duruuf ay Komishanka iyo shaqaalihiisi ay maanta ay goobihii boqolkiiba afar iyo todobaatan (74%), magaalooyinka wixii ka baxsan aan loogu tagayn dadkii laga diiwaangeliyey”.

Xuseen Axmed Caydiid mar uu ka hadlaayey is maandhaafka Xisbiyada ee dhinaca Doorashada wuxuu yidhi “Is maandhaaf adag wali waxaan is leeyaay wali lama gaadhin,maalintii laba erey  oo is khilaafsan baa ka soo baxay runtii sida aan warbaahinta ku arkaayey, laakiin goor aynu is nidhaahno is maan dhaaf la is mari waayey ayaa taagan taas wali may gaadhin, maantaba balan baanu la lahayn komishanka oo yara baaqday iyadoo la is ar arkayo, oo Guddoomiyayaashii Xisbiyadu bal kulmaan,oo kulamo ay laahayeen ayey dib ugu dhacday, waxaan is leeyahay kulamadaas iyo wada hadal dambe oo Komishanka lala yeelanayo ee doraad sidii aanu kaga nimid wax ka duwan in la isla meel dhigaa, waa suurtagal, marka xaaladu labadaas ayey taagan tahay, abaartii oo halkaas ah iyo ilaa imika oo wali la isla qaadan Xisbiyadii in Doorashado qabsoonto iyo inay dib u dhacdo labada arimoodba wey taagan yihiin”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Inkasta oo aan jecelayn in khilaafka la buun-buuniyo oo ilaa meel ay degto in laga sii waramo aanay ahayn, haddana sida aad warka kaga qaadeen Saddexda Xisbi maalintii wey muuqatay in labada Xisbi mucaarad ay dhan noqdaan, Xisbigii Kulmiye, Xisbigii taladda dalka hayey ee loo tirinayey inuu isna dhan noqday wey taagnayd, sida ka soo baxday wareysiyadii”.

Mar wax laga weydiiyey sababta keentay in isaga iyo Muuse Biixi isku aragti ka noqon waayaan Siyaasada ayaa ku jawaabay “Horta Muuse wax kale nagamay dhaxayn, Muuse iyo anigu laba shakhsi, laba muwaadin oo runtii wax iyaga u gaar ah isku haya  maanu ahayn, ee Muuse waxaanu ku kala duwanayn aragtida dalka  Madaxweyne aan ka ahaado, iyo anigoo u garan waayey taas, iyo qaabkii uu ku imanayey, xitaa hadaanan la rayi ahayn, haddii Xisbigu isku iman lahaa oo sida qawaaniintu farayeen wada tashigu lahaan jiray la iskugu yimaado, oo fursadaas la ogolaado oo la igaga guulaysto ka ku gacan qaadi lahaa ee ku hambalyeyn lahaa ayaan aan lahaa, laakiin markii taa la diiday, ee albaabka la xidhay, ee meel aanay ku oolin inaad ka taliso, waxa loogu sii meeraysta ma taalo, meesha aanu Muuse ku kala tagnay taas ayey ahayd ee dagaal shakhsiya oo noo yaalay may ahayn, Shirka iyo qaabka loo abaabulay iyo majaraha uu u maray musharaxnimada ayaan diiday, taas ayaan ka soo horseeday”.

Xuseen Axmed Caydiid mar wax laga weydiiyey inay Doorashada wakhtigeeda ku dhici karto ayaa  yidhi “Shakhsi ahaan haddii taa la I weydiiyey waxaan is leeyahay marka hawlaha inoo hadhsan markaad miisaanto, kaadhkii in la qaybiyo weeye, kaadhkii wali wuxuu ku jira gacanta komishanka ayuu ku dambeeya, boqolkiiba afar iyo sideetan (84%), magaalooyinka waaweyn wixii ka baxsanaana wey ka maqan yihiin goobihii kaadhka loogu hagaajin lahaa, marka aniga caqligu wuxuu I farayaa boqolkiiba lix iyo laabatan (26%), in aan kaadhka la siin oo la odhan doorasho intaas baa ka talinaysa aayihii dalka, waxaynu ku nool nahay oo hantida dalka lagu wadaa neefafka adhiga ah,  xoolaha dibada inoo jooga,  haddii aynu nidhaahno talada waa laga qadinayaa, oo maalin baa wax la weydiiya, waxba la weydiin maayo, taasi caqliyad noqon mayso, marka anigu waxaan is leeyahay goor uu dalkani abaarta ka baxay oo roobkii u da’ay oo cid waliba baradeedii ku noqotay in kaadh qaybinta loo geeyo, oo Doorashadu bil iyo laba ka dambeeyso xilligaa”.     

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews