Khilaaf Maamul Oo Ka Dhex Qarxay Maareyaha Dekeda Berbera Iyo Kuxigeenkiisa Oo Shaqadii Laga Joojiyay Iyo Maareye Kuxigeen Ku Meelgaadha Oo Maamulku Magacaabay
January 12, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maalmihii u Danbeeyay Ayaa Waxa Soo Baxaya Muran Xaga Maamulka ah oo u Dhexeeyay Maareeyaha Dekada Berbera Aqoonyahan Axmed Yuusuf Dirir iyo Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan, Wararka Laga Hellayo Illo Xog Ogaala Ayaana Tibaaxay In Xiligan Mareeye Ku Xigeenkii Dekadu Ku Maqanyahay Ashkato Dhanka Madaxtooyada Somaliland Ah,
Khilaafkana Ayaa Bishii Ugu Horaysay,ba Debada Usoo Baxay Markii Aya Shaqada wada Bilaabeen Labada Mareeye,Taasi oo Ku Beegnayd Xilli uu Mareeye Axmed Yuusuf u Ambabaxay Safar Dibada ah, Xiligasi Waxaa Debada Usoo baxday Sida Aanu warka Ku Hellnay Ku takrifal balaadhan oo Lacageed oo Maareeye Ku Xigeenku Si Qaldan Uga Uga Saaray Qasnada Dekada, Xata Mareeye Ku Xigeenku Xiligaa Lacag $80,000 oo Doolara Ayaa Sida wararka Lagu Hellay Uu Ku Iibsaday baabuur Lanckuruser oo Uu Illaa Iminka Wato Lagumana dhajin nambarkii GT Ahaa ee dawlada,