berberatoday.com
Khilaaf Maamul Oo Ka Dhex Qarxay Maareyaha Dekeda Berbera Iyo Kuxigeenkiisa Oo Shaqadii Laga Joojiyay Iyo Maareye Kuxigeen Ku Meelgaadha Oo Maamulku Magacaabay
January 12, 2017 - Written by Berbera Today

axmed-yuusuf-dirir-2Berbera(Berberatoday.com)-Maalmihii u Danbeeyay Ayaa Waxa Soo Baxaya Muran Xaga Maamulka ah oo u Dhexeeyay Maareeyaha Dekada Berbera Aqoonyahan  Axmed Yuusuf Dirir iyo Maareeye Ku Xigeenkiisa Cabdi Cabdilaahi Xasan Mataan, Wararka Laga Hellayo Illo Xog Ogaala Ayaana  Tibaaxay In Xiligan Mareeye Ku Xigeenkii Dekadu Ku Maqanyahay  Ashkato Dhanka Madaxtooyada Somaliland Ah,

Khilaafkana Ayaa Bishii Ugu Horaysay,ba Debada Usoo  Baxay  Markii Aya Shaqada wada Bilaabeen Labada Mareeye,Taasi oo Ku Beegnayd Xilli uu Mareeye Axmed Yuusuf u Ambabaxay Safar Dibada ah, Xiligasi Waxaa Debada Usoo baxday Sida Aanu warka Ku Hellnay   Ku takrifal balaadhan oo Lacageed oo Maareeye Ku Xigeenku Si Qaldan Uga Uga Saaray Qasnada Dekada, Xata Mareeye Ku Xigeenku Xiligaa Lacag  $80,000  oo Doolara Ayaa Sida wararka Lagu Hellay Uu Ku Iibsaday baabuur Lanckuruser oo Uu  Illaa  Iminka Wato Lagumana dhajin nambarkii GT Ahaa ee dawlada,

Cabdi Cabdilat Mataan

Murankan Ayaa waqtigaa Waxa Dhexgalay oo Dhameeyay Rag mudakar ah oo Reer Berbera Ah,

Hadaba wararka u Danbeeyay ee sadexdii Casho ee u Danbayasay Debada maraya Ayaa Iftiimyayay in Markale Uusoo  Laba kacleeyay   Murankii Labada Mareeye Ee Dekada Berbera Waxaana  Wararka Qaarkood Sheeegayaan  in uu  ISCASILAY  Mareeye  Ku Xigeenkii Dekada Berbera Cabdi Cabdilaahi Laakiin Mar aanu Saaka Xilli Hore ku waraysanay Telofanka HWN   Wuuxuu Sheegay In Aanu Iscasilin Ee Uu hawlo Shaqo u Joogo Hargaysa,

Wararka kale Ee Laga Hellayo Dekada berbera Ayaa Sheegaya in Si Kumeel Gaadha Shaqadii Maareeye Ku Xigeenka Dekada Berbera uu Xiligan  Usii Hayo Sarkaal sare oo ka Tirsan Dekada Berbera oo Mgaciisu Yahay Siciid Aadan Diiriye,

Warar kalo oo aan soo shaacbixin ayaa sheegaya in Maareye Kuxigenka Hada Cabdi Cabdillahi Xasan Mataan xilka laga qaadi doono maadama oo uu la janqaadi waayay Mamulkii Dekeda Berbera dhawr jeer oo Maamulka Lagag tagyna uu ku takru falay maaliyadii khasnada dekeda ku keydsanayd.waxaana la sheegaya dhawr masuul oo beeshiisa kasoo jeeda oo loo magacaabayo xilka uu banayn doono waana wararka laga soo sheegayo Madaxtooyada.

Mar aan Saaka Isku daynay In aanu Wax ka waydiino Arinkana Maareeye Axmed Yuusuf Dirir Waynoo Suura Gali wayday, Xafiiskana waanu ka waynay Telofankiisuna Mashquul Ayuu Kabixi Waayay

 

 

 

Wariye Yasin Jaamac Cali

Berbera/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews