berberatoday.com
Buuhoodle:-Aabe Si Aan Ku Talo Gal Ahayn Rasaas Ugu Dilay Gabadh Uu Dhalay Mid Kalena Ku Dhaawacay+Magaca Deegaanka Dhacdadan Ka Dhacday Iyo Sababta Ay U Dhacday
January 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ayaa sheegaya in dhacdo murugo badan ay habeen hore ka dhacday deegaanka Laan-gargaroley oo u dhaxaysa deegaanada Coodanle iyo xadho-dhanka ee gobolka Buuhoodle.

Waxaana ay dhacdadan ahayd kadib markii uu aabaha qoys halkaasi deganaa uu si aan ku talo gal ahayn rasaas ugu furey gabdho dhalinyaro ah oo uu dhalay,rasaastaa uu fureyna ay sababtay dhimashada inan iyo dhaawaca inan kale oo uu aabahani dhalay.

Wararka dhacdadan ku saabsan ee nasoo gaadhaya ayaa sheegaya in aabahan qadarku ku habsaday oo lagu magacaabo Cabdilaahi Jaamac Ismaaaciil uu reerkiisu yaalay goob ay ka oogan tahay colaad u dhaxaysa laba beelood oo wada dega deegaanadaasi isla markaana uu aabahani gurigiisa ka baxay intii aanu dilkan caruurtiisa gaysanin.

Aabahan ayaa la sheegay in uu gurigiisa uga baxay hanjabaado iyo aar goosi uu ka baqay in lagu dilo madaama deegaanka ay ka taagan tahay colaad,waxaanu galay meel aan sidaa gurigiisa uga sii fogayn oo uu gabbood ka dhigtay si aan cadawgan u haleelin.

Waxaana sida la sheegay wakhtiga oo ahayd habeenimo awgeed uu meel aan sidaa uga fogayn ku arkay muuqalada laba qof oo agtiisa maraya isla markaana kusoo socda dhinaciisa kuwaas oo ahaa labada hablood ee uu dhalay balse aanu aqoonsanayn markii ay ag marayeen,waxaana ay taasi sababtay inuu rasaas ku furo labadii qof.

Rasaastaa uu furey aabahan ayaa haleeshay laba gabdhood oo uu dhalay oo Meesha marayay isla markaana ahaa labadii qof ee uu cadawga u haystay muuqaaladoodana arkay iyagoo ag maraya,waxaana rasaastaa ku dhimatay gabadh da’deeda naloogu qiyaasay 16 jir halka gabadha kalena oo ka yaraydna ay dhaawac fududi soo gaadhay.

Waxaana intaasi ka dib la ogaaday in rasaastan uu aabahn riday ay ku dhacday laba hablood oo qoyskiisa kamid ah,waxaana goobta soo gaadhay ciidan.

Maydka gabadhan yar ee rasaastu ku dhacday ayaa lagu aasay magaalad Coodanle ee gobolka Buuhoodle halka gabadha kale ee dhaawaca ahna loosoo qaaday cusbitaalka magaalada Burco .

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews